World

Taleefan lagadayo lacag dhan $ 2,000 dollar

Published

on

Waxaa maalinta Jimcaha ah suuqyada dalka Mareykanka soo galaya oo la bilaabayaa in ay dadweynuhu gataan taleefanka cusub ee Samsung Galaxy Fold oo naqshaddii ugu dambeysay ee taleefanada shirkada Samsung. Galaxy Fold oo ah naqshad cusub ayaa ah taleefan isku laabmaya, waana sababta loogu bixiyay Galaxy Fold (laabma).

Taleefankan oo mudo baddan la sugayey ayaa dhamaadka todobaadkan suuqyadda iyo dukaamada dalka Mareykana laga gadan karaa.

Haddaba taleefanka oo noqonaya midka ugu qiimaha baddan ayaa waxaa lagu iibinayaa lacag dhan $2,000 dollar. Taleefanka qaaliga ah ayaa waxaa uu ku yimaadaa labo midab oo kali ah hadda. Labadda midab ayaa kala ah (black and silver).

Taleefanka Galaxy Fold oo ah 4.6 inch balac ahaan, ayaa sidoo kale ah taleefan casri ah oo noqon kara 7.3 inch tablet. Sidoo kale taleefankan ayaa ku shaqaynaya nidaamka cusub ee Android 9. Shirkadda Samsung ayaa si toos ah ula shaqaysey shirkadda Google si taleefanka uu u noqdo mid si heer sarre ah ugu shaqeeya apps-ka sida badan loo adeegsado.

Trending

Exit mobile version