Wararka Soomaalida
Taliska Booliska iyo wasaaradda Warfaafinta oo ka hadlay weerarka
Weerarkii tooska ahaa ee caawa lagu qaaday Hotel SYL ayaa waxaa ka hadlay Taliska Booliska Soomaaliya iyagoo faafaahin ka bixiyay sida weerarka uu ku bilaabmay iyo qaabka Ciidanka amniga weerarkaasi u wajaheen.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa sharaxaad ka bixisay sida uu ku bilaabmay weerarka Al shabaabka ay ku qaadeen Hotel SYL.
“Abbaaro 7dii habeenimo (7pm) ayaa qoladii nabad diidka ah weerar ku soo qaadeen hotel SYL iyadoo 2 ka mid ah lagu dilay hotelka banaankiisa sidoo kalena labo kale haatan ciidamada amaanka ay kula dagaallamayaan gudaha Hotelka SYL ee Muqdisho”ayay tiri taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed oo warkan soo dhigtay barteeda Twitter-ka.
Dhinaca kale weerarkaas ayaa waxaa ka hadlay Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oronjo wuxuuna faafaahin ka bixiyay qaabkii Ciidamada amniga ubadbaadiyeen shacabkii iyo mas’uuliyiintii ku sugnaa Hotelka SYL ee caawa Al shabaabka weerareen.
Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oronjo ayaa sheegay in Ciidamada amniga ay soo badbaadiyeen in ku dhaw 100 ruux oo iskuugajira mas’uuliyiin iyo shacabkii ku cawaynayay Hotel SYL ka dib markii Ciidamada gudaha hotelka udaateen.
Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oronjo ayaa intaas hadalkiisa ku daray in weli kooxda Al shabaabka ah ee SYL Hotel weerartay gudaha ku jiraan Ciidamadana ay la dagaalamayaan.
“Ciidamada Ammaanka ayaa gudaha Hotel SYL Kasoo badbaadiyay ku dhawaad 100 qof oo isugujira Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dad shacab ah oo ku nasanayay gudaha Hotelka,wali Xaqiijinta khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa waxaa wada Ciidamada amniga waxaana gudaha Hotelka ku sugan Saraakiil Ciidan oo gurmad u tagay xarunta Hotelka SYL,wali howlgal ayaa ka socda hotelka waxaana lala tacaalayaa sidii loo yareyn lahaa khasaaraha dhimashada dadka shacabka ah”ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oronjo.
Wararkii ugu dambeeyay weerarkaas ayaa sheegaya in wali xabad laga baqlayo gudaha hotelka SYL ee Al shabaab caawa ay weerareen.