Wararka Soomaalida

Taliska Maraykanka oo jawaab adag ka bixiyay hadalkii hogaanka Al shabaab

Published

on

Ka dib markii dhawaan muuqaal soconayay 52 daqiiqo oo laga duubay hogaamiyaha kooxda Al shabaab Axmed Cumar Abu Cubayda oo ay soo bandhigeen kooxdaas ugana hadlayay weerarkii koox iyaga ka mid ah ay ku qaadeen Xerada Bali-Doogle 30-kii bishii September ayaa wuxuu guulo waaweyn ka sheegtay in kooxdooda ay ka gaareen weerarkaas ayna ku laayeen Ciidamada Maraykanka iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Haddaba warakaas ka soo yeeray hogaamiyaha kooxda Al shabaab Axmed Cumar Abu Cubayda ayaa waxaa jawaab adag ka bixiyay war aan waxba ka jirin ku tilaamay warka ka soo baxay hogaamiyaha Al shabaab Abu Cubayda Taliye ku xigeenka Ciidanka Maraykanka qeybta Africa ee loo yaqaano Africom Brig.Gen.Miguel Castellanos ka dib wareysi uu siiyay Wargayska Military Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka.

Taliye ku xigeenka taliska Maraykanka ee Africom Brig.Gen.Miguel Castellanos ayaa wuxuu sheegay guusha beenta ah ee uu sheeganayo Abu Cubayda inay ka gaareen weerarkii ay ku soo qaadeen xerada Bali-Doogle inaysan waxba ka jirin oo been abuur ay tahay,hadaladii been abuurka ahaa ee lagu yaqaanay kooxda Al shabaab uu la mid yahay warkan ka soo yeeray Abu Cubayda.

https://www.militarytimes.com/opinion/commentary/2019/11/08/countering-lies-with-truth-battling-terrorist-propaganda-in-east-africa/

Taliye ku xigeenka ayaa hadalkiisa intaas raaciyay in Al shabaab guul ay gaaraan iska daaye iyaga guul laga gaaray oo laga laayay dhamaan dagaal yahanadii ay usoo direen xerada Bali-Doogle ka dib markii laga war helay inay duulaan ku soo ahaayeen xerada ka dibna loo diyaar garoobay sidaasna looga guulaystay sida uu sheegay Brig.Gen.Miguel Castellanos.

Brig.Gen.Miguel Castellanos ayaa ugu dambayntii sheegay kooxda Al shabaab ee soo weerartay Bali-Doogle ee shabeelaha hoose ay gaarayeen 15 xubnood dhamaana lagu dilay bannaanka hore ee xerada taasna ay u hayaan cadaymo rasimi ah iyo Muuqaal ay ka duubeen ka dib markii uu joogsaday dagaalkii iyaga iyo Al shabaab dhaxmaray.

Taliyahan u jawaabay hogaamiyaha Al shabaab Axmed Cumar Abu Cubayda,Brig.Gen.Miguel Castellanos mar wax laga weydiiyay khasaaraha dhankooda ka soo gaaray weerarkaas ayaa wuxuu sheegay inuu jiro hal askari oo xoogaa miir daboolmay ka dib markii uu ka naxay jugta culus ee qaraxii koowaad ee xerada bannaankeeda ka dhacay wax kale oo soo gaaray Ciidankooda iyo kuwa Soomaalida midna jirin.

Taliye ku xigeenka Taliska Maraykanka ee Africom Brig.Gen.Miguel Castellanos ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo xiray in run loo qaadan wararka beenta ah ee Al shabaab ay baahiyaan iyadoo mararbadan kooxdan ay sheegeen warar aan waxba ka jirin inta ay jiraana beentooda jiri soonto.

Trending

Exit mobile version