Wararka Soomaalida
Taliye loo haysto danbi culus oo Talaabo laga qaaday
Wararka aan ka helayno Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa tibaaxaya in shaqa joojin lagu sameeyey Taliyaha Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir Gaashaanle dhexe Macalin Faarax. Gaashaanle dhexe Macalin Faarax Taliyaha Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Dayniile ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu wax ka abaabulay si weyna wax ugu,ogaa Madaafiicdii dhawaan lagu […]
Wararka aan ka helayno Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa tibaaxaya in shaqa joojin lagu sameeyey Taliyaha Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir Gaashaanle dhexe Macalin Faarax.
Gaashaanle dhexe Macalin Faarax Taliyaha Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Dayniile ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu wax ka abaabulay si weyna wax ugu,ogaa Madaafiicdii dhawaan lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya.
Gaashaanle dhexe Macalin Faarax Taliyaha shaqa joojinta lagu sameeyey ka hor inta aaney soo bixin amarkanshaqa jiijinta ah mar uu la hadlay Saxaafadda ayaa waxaa uu beeniyey Wararka sheegaya in Madaafiic laga soo tuuray Degmada Dayniile ay ku dhaceen Madaxtooyada Soomaaliya.
Taliyahan ayaa warkiisa intaas ku daray in wax weerar ah oo laga soo qaaday Dayniile habayaraatee aaney jirin,taliye Macalin Faarax waxaa la sheegay in dhaqdhaqaaqiisa la xanibay si KMG ah.
Dhinaca kale warar mardanbe la helay ayaa sheegaya in Madaafiicda ku hoobatay Madaxtooyada Soomaaliya laga soo tuuray goob aan ka fogayn Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Madaafiicdaas ayaa iyagoo seddax ah waxay ku kala dheceen xarunta labaad ee Baarlamanka Soomaaliya uu ku shiro ee loo yaqaano Villa Hargaysa kuna dhaxtaala Madaxtooyada Soomaaliya.
Madfaca labaad ayaa waxaa uu ku dhacay goob Madaxda dowladda ay dhigtaan Gawaarida ee aan ka fogayn Villa Hargaysa.
Kan ugu dambeeya ayaa waxaa uu ku dhacay Madaxtooyada gudaheeda.
ilaa hadda lama oga Madaafiicdaas in ay gaysteen khasaaro nafeed hayeeshee waxaa la,ogyahay in ay gaysteen khasaaro hantiyadeed.
Xilka Taliyaha Saldhiga Dayniile ayaa waxaa si KMG ah loogu magacaabay Gaashaanle Xasan Cali oo ka tirsanaa Ciidanka Salshiga Dayniile.
Amarkan shaqa joojinta ah ee lagu qaaday Taliyihii Saldhiga Dayniile Gaashaanle dhexe Macalin Faarax ayaa waxaa uu ka soo fulay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jannaraal Bashiir Cabdi Maxamed(Americo) oo haatan ku sugan Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose, isagoo ka mid ah wafdiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ee howlo shaqa ujooga Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.