Wararka Soomaalida

Taliye Odawaa oo booqday dhaawacyo Ciidan

Published

on

Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta booqday Isbitaalka xoogga dalka oo lagu daweynayo qaar ka mid Ciidanka xoogga dalka oo ku soo dhaawacmay dagaal dhawaan ay lagaleen kooxda Al shabaab kaasoo ka dhacay deegaano ka mid ah gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe oo Ciidamadan Guutooyinka ay ka tirsan yihiin ka howlgalaan.

Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee dhaawacyadan ku booqday Isbitaalka Xoogga dalka ee ku yaalla degmada Hodan gaar ahaan ka soo hor jeedka fagaaraha caanka ah ee Tarbuunka ayaa dhaawacyadan mid mid udul istaagay wuxuuna ka xog wareystay sida hadda Caafimaadkooda uu yahay iyo bal haddii ay jiraan tabasho ay qabaan.

Askartan qaba dhaawacyada ayaa u aheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka inay ubaahanyihiin daryeel dhankasta leh in kastoo ay u sheegeen in si wanaagsan loo daweeyo oo si joogto ah uhelaan dawooyinka iyo la tacaalida dhaawacyadooda sidoo kale ay haystaan dhaqaatiir wanaagsan balse ay ubaahanyihiin wixii lagu baxnaaninjiray dhaawacyada noocaan oo kale ah.

Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa wuxuu u sheegay askarta dhaawacyada ah in si deg deg ah cabashadooda wax looga qabanayo sidoo kale Madaxda dowladda iyo taliskuba ay garabtaagan yihiin har iyo habeenba.

Trending

Exit mobile version