Wararka Soomaalida
Taliye sare oo soo gaaray Muqdisho lana kulmay wasiirka amniga
Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa markii ugu horeysay booqasho rasmi ah ku yimid Taliyaha Qeybta Booliska Gaarka ah ee wadanka Turkiga Jannaraal Selami Türker kana mid ah macalamiinta Ciidamada Booliska Soomaaliya qaar badan oo ka mid ah wuxuuna la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalida Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyagoo isdhaafsaday warbixinada Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kan Booliska Turkiga waxay kaloo ka wada hadleen arimaha iskaashiga joogtada ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ka dibna waxay labada taliye isdhaafsadeen Document-yo la xiriira arimaha Ciidamada.
Jannaraal Selami Turker ayaa wuxuu ka mid yahay tababarayaasha Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Dalka Turkiga iyadoo magaalada Muqdisho ay buuxaan Boolis farabadan oo Jannaraal Selami Turker uu soo tababaray.
Intaas ka dib Jannaraal Selami Turker ayaa kulan dheer la qaatay wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyagoo ka wada hadlay amniga iyo tayada Ciidsnka Booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa iyagu Soomaaliya utababareen sida uu yahay.
Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa usheegay Ciidankii ay usoo tababareen Soomaaliya ee is kuugajira Boolis iyo Militeri aad usareeyo aqoontooda Ciidan kana muuqato wixii ay soo bareen.
Jannaraal Selami Turker oo aad ufaraxsan ayaa umahadceliyay wasiirka amniga Soomaaliya wuxuuna sheegay inay siinwadi doonaan tababarada Ciidan ee ay siiyaan Soomaaliya wasiirka iyo taliyaha waxay isdhaafsadeen Document-yo ku saabsan arimaha Ciidanka.