Wararka Soomaalida

Turkiga oo ku dhawaaqay war naxdin ku abuuray Maraykanka

Dowladda Turkiga ayaa maanta shaacishay in Ruushka ka soo iibsadeen Gantaalada ridada dheer ee S 400 ka dib gorgortan muddo uu kula jiray Turkiga dalka Ruushka si uu usoo iibsado gantaaladaas oo ah kuwa difaaca hawada. Madaxweynaha dalka Turkiga Recap Tayyip Erdogan oo maanta shacabkiisa kala hadlayay Telavetion-ka dowladda ayaa daboolka ka qaaday in gantaaladan […]

Published

on

Dowladda Turkiga ayaa maanta shaacishay in Ruushka ka soo iibsadeen Gantaalada ridada dheer ee S 400 ka dib gorgortan muddo uu kula jiray Turkiga dalka Ruushka si uu usoo iibsado gantaaladaas oo ah kuwa difaaca hawada.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recap Tayyip Erdogan oo maanta shacabkiisa kala hadlayay Telavetion-ka dowladda ayaa daboolka ka qaaday in gantaaladan casriga ah ee S 400 bisha soo socota ee July dalkiisa soo gaarayaan ka dib markii ay ku guulaysteen in ay ka soo iibsadaan Dalka Ruushka.

Tallaabadan uu qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa si weyn uga carooday baqdina iyo walaacna ku abuurtay dalka Maraykanka wuxuuna Maraykanka iyo Turkiga ka dhax abuuray khilaaf iyo hanjabaadyo inay hawada isumariyaan labada Madaxweyne ee Turkiga iyo kan maraykanka Recap Tayyip Erdogan iyo Donald J Trump.

Bilowgii sheekadan Turkiga ee iibsiga Gantaalada casriga ah ee S 400 ayaa waxaa Ruushka digniin ku saabsan in aaney ka iibinin gantaaladaas dalka Turkiga udiray Madaxweynaha Maraykanka Donald J Trump sidoo kalana Turkigana uu ka baaqsado hamigiisa gantaalada ridada dheer inkastoo warkaas dhegba loo dhigin.

Dowladda Maraykanka ayaa Turkiga ugu hanjabtay haddii Turkiga uu ka dhabeeyo keensashada hubka Lidka diyaaradaha ee difaaca hawada ee S 400 inuu ka baxayo Maraykanka heshiiskii ay lagaleen Turkiga ee ahaa in Turkiga ka iibiyo 100 diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recap Tayyip Erdogan mar uu soo hadal qaaday ahmiyada dalkiisa uu uleeyahay gantaalada casriga ah ee S 400 ayaa wuxuu sheegay in bisha July wixii ka dambeeya dalkiisa uu yeelan doono mudnaan gooni ah dunidana ku yeelanayo sumcad ka balaaran tan hadda uu ku dhax leeyahay dunida laguna soo deg degi karin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version