Wararka Soomaalida
Uhuru oo Cinwaanadiisii baraha bulshada hawada laga saaray
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta waxaa Hawada laga saaray Cinwaanadii uu ku lahaa baraha bulshada sida Twitter iyo Facebook ka dib arrin soo wajahday Cinwaanadaas. Agaasimaha Madaxtooyada dalka Kenya Nzioka Waita ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in si KMG ah loo xiray labadii Cinwaan ee Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku lahaa baraha bulshada […]
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta waxaa Hawada laga saaray Cinwaanadii uu ku lahaa baraha bulshada sida Twitter iyo Facebook ka dib arrin soo wajahday Cinwaanadaas.
Agaasimaha Madaxtooyada dalka Kenya Nzioka Waita ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in si KMG ah loo xiray labadii Cinwaan ee Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku lahaa baraha bulshada ka dib markii shaqsi aan loo fasixin uu si xatooyo ah u,isticmaalay Cinwaanadaas iyo password-rada labadaas cinwaan.
Shaqsigaas ayaa bogga Twitter ka Madaxweynaha Kenya ku soo qoray qoraal ka hadlayo arrimo xasiisi ah waxaana ka mid ahaa musuq maasuqa iyo talaabooyinka lagu qaadayo dadka gala arrimahaas.
Qoraalkan ayaa waxaa uu leeyahay qof kasta oo gala Musuq maasuq waa la dagaalamayaa xataa haddii qofkaas uu yahay walaalkey, Walaashay ama Siyaasiga saaxiibka iigu dhaw ah wuxuu maraya xarig iyo ciqaab.
Agaasimaha Madaxtooyada dalka Kenya Nzioka Waita ayaa sheegay in ruuxaas lagu hayo dabagal ka dibna dib loo soo celin doono Cinwaanada Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee hadda gebi ahaanba Hawada laga saaray.