Wararka Soomaalida
Wabiga Shabeele oo ku fatahay Degmada Afgooye
Wabiga Shabeele ayaa galabta ku fatahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ka markii shalay ilaa maanta roobab lixaad leh ay ka da’een Gobolka Shabeelaha hoose sida bulshada ku nooleed Degmada Afgooye ay inoo sheegeen.
Fatahaadaas uu sameeyay Wabiga Shabeele ayaa wuxuu saameyn u geystay bulshada ku dhaqan Degmada Afgooye iyadoo hadda lagu soo waramayo in bulshadii ku nooleed Afgooye ay bilaabeen inay ka Barakacaan degmada ka dib markii guryihii daadadka Fatahaada ugu soo galeen.
Sawirada laga qaaday xaafadaha Afgooye ayaa tilmaamaya saameynta adag ee Fatahaada wabiga Shabeele uu u gaystay bulshada ku nool degmada Afgooye iyagoo la arkayay iyagoo ku qaxaya dooman iyo gaadiid kale si ay ugu badbaadaan Fatahaada Biyaha xooggan ee Wabiga uu wado.
Maamulka Gobolka Shabellaha hoose iyo kan Degmada Afgooye ayaa la tacaalaya Fatahaada Wabiga Shabeele uu ku sameeyay Afgooye iyagoo ku dadaalaya sidii loo yareen lahaa khasaaraha Fatahaada Wabiga uu wado waxayna maamulka Gobolka shabeelaha hoose gaarsiiyeen Afgooye Jaawana cara ah si loogu celiyo Fatahaada biyaha xowliga leh ee uu kuwado xaafadaha degmada Afgooye Wabiga Shabeele.
Muddo dhowr iyo 10 sano ah waa markii ugu horeysay oo wabiga Shabeele fatahaad uu ku sameeyo Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.