Wararka Soomaalida
Wafdi ka socda Dowladda Filand oo soo gaaray Muqdisho Daawo Sawirada
Wafdigan ka socda Dowladda Filand ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya Xildhibaan Pekka Haavisto oo ka tirsan Baarlamanka Dowladda Filand sidoo kale Xildhibaankan waxaa uu Khabiir ku yahay artimaha Soomaaliya iyo Geeska Africa kana soo shaqeeyey Machadka Nabadda ee dalkaasi,wafdigan ayaa waxaa qaabilay oo xafiiskiisa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan […]
Wafdigan ka socda Dowladda Filand ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya Xildhibaan Pekka Haavisto oo ka tirsan Baarlamanka Dowladda Filand sidoo kale Xildhibaankan waxaa uu Khabiir ku yahay artimaha Soomaaliya iyo Geeska Africa kana soo shaqeeyey Machadka Nabadda ee dalkaasi,wafdigan ayaa waxaa qaabilay oo xafiiskiisa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaan Pekka Haavisto ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Cafinta daymaha dib,u,eegista dastuurka hannaanka diiwaan gelinta xisbiyada dalka iyo doorashooyinka la filayo dalka in ay ka qabsoomaan 2020.
Pekka Haavisto ayaa hoggaanka dawladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay uga go’antahay dib usoo kabashada Soomaaliya waxa uuna sheegay in dawladda Filand ay ku garab taagantahay ka mira dhalinta himmilooyinka ummadda Soomaaliyeed.