Wararka Soomaalida

Wafdi ka socda IGAD oo gaaray Garowe

Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland Wararka naga soo gaaraya ee ku soo dhacay Xafiiska Wararka Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho ayaa tibaaxaya in halkaas galabta ay ka degeen Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD si ay kor joogiyaal uga ahaadaan Doorashada Talaadada soo socota ee bishan January ka qabsoomaysa Garowe. Wafdigan ayaa caawa lagu soo waramayaa […]

Published

on

Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland Wararka naga soo gaaraya ee ku soo dhacay Xafiiska Wararka Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho ayaa tibaaxaya in halkaas galabta ay ka degeen Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD si ay kor joogiyaal uga ahaadaan Doorashada Talaadada soo socota ee bishan January ka qabsoomaysa Garowe.

Wafdigan ayaa caawa lagu soo waramayaa in kulamo gaar gaar ah la yeelanayaan Musharaxiinta 21 ka kooban ee utartamaya xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland isla markaana ay kala xulan doonaan Baarlamanka Maamulkaas oo tiradooda ay ka kooban tahay 66 Xildhibaan.

Wafdiga IGAD ka socda ee galabta gaaray Garowe ayaa sidoo kale la kulmaya Musharaxiinta utaagan tartanka Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkuba isku mar la qabanayo.

Safarka Xubnahan ka socda Urur Goboleedka IGAD ayaa wuxuu ku salaysan yahay sidii ay ugu qeeb gali lahaayeen Doorashadaas iyo in kor joogtada ka qeeb galaysa Doorashada Puntland ay ka mid noqdaan.

Doorashadan 8-da bishan January ka dhacaysa Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland ayaa leh xiiso gaar ah iyadoo Musharaxiin ku xiran dhinaca Dowladda dhexe ee Soomaaliya la hadalhayo in Musharaxiinta ay ka mid yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version