Wararka Soomaalida
Wafdi Kenya ah oo laga hor istaagay Kismaayo
Wararka aan ka helayno magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu hor istaagay wafdi markii hore ay uqorsheeyeen inay ka qayb galaan munaasabada lagu caleema saarayo Axmed Madoobe sida aan xogtan ku helnay.
Sababta Uhuru Kenyatta ujoojiyay wafdigan aadi lahaa magaalada Kismaayo ayaa ka dambaysay ka dib markii shalay shirkii ka dhacay magaalada Addis Ababa ee ay ku yeesheen qaar ka mid ah Madaxweyniyaasha Africa eedo loogu jeediyay Uhuru Kenyatta in faragelin xooggan uu ku samaynayo Soomaaliya.
Uhuru Kenyatta oo ka jawaabayay eedaymaha ay ujeediyeen Madaxweyniyaasha wadamada Africa qaarkood ayaa maanta baajiyay wafdigii ka qayb geli lahaa xafladda Axmed Madoobe sida wararka ay sheegayaan.
Wafdiga Kenya ee ugu talagashay ka qayb galka xaflada caleema saarka Axmed Madoobe ayaa waxaa la sheegay in gaarayaan 40 xubnood waxaana horkacaya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah golaha baarlamanka Kenya lagana soo doorto gobolka Soomaalida degto ee waqooyi bari inkastoo hadda la baajiyay.
Xubnahan safarka Kismaayo laga baajiyay ayaa ubadan Xildhibaanada Soomaalida ah ee Baarlamanka Kenya ka soo galay Waqooyi bari iyo kuwo Kenyan ah oo iskuuga jira wasiiro iyo siyaasiyiin sida xogtan aan helnay ay sheegayso.
Warkan ku aadan in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu baajiyay wafdigii ka qayb gelilahaa munaasabada Axmed Madoobe ayaa waxaa uu yahay xog aan ka helnay Nairobi walina majiro war rasmi ah oo dowladda Kenya ka soo baxay.