Wararka Soomaalida
Wakiilka Midowga Africa oo ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya
Francisco Madeira Wakiilka Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dhinaca Siyaasadda Soomaaliya ee hadda maraysa meel xasaasi ah wuxuu sheegay in xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya ay ubaahan tahay xalinteeda qaab caqliyeysan in loo maro. Wakiilka Midowga Africa Francisco Madeira ayaa waxaa uu sheegay iyadoo la eegayo baahiyaha asaasiga ah shacabka Soomaaliyeed […]
Francisco Madeira Wakiilka Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dhinaca Siyaasadda Soomaaliya ee hadda maraysa meel xasaasi ah wuxuu sheegay in xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya ay ubaahan tahay xalinteeda qaab caqliyeysan in loo maro.
Wakiilka Midowga Africa Francisco Madeira ayaa waxaa uu sheegay iyadoo la eegayo baahiyaha asaasiga ah shacabka Soomaaliyeed in qaab cilmiyeysan oo deganaan ah loo galo xal uhelida xaaladda Soomaaliya si loo gaaro doorashada cod iyo qof ah ee la doonayo in Soomaaliya ugu dambayntii la gaarsiyo si looga baxo marxaladaha cakiran ee hadda ka taagan dalka Soomaaliya.
Francisco Madeira ayaa helitaanka nabadda Soomaaliya tusaale usoo qaatay deegaanadii dhawaan laga saaray Al shabaab ee Gobolka Shabeelada hoose Sabiib Caanoole,Beledul Amiin iyo Cumar Beere wuxuuna sheegay in deegaanadaas markii Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka qabsanayeen Al shabaab shacabka ku nool deegaanafaas si farxad ku dheehan tahay ay ku soo dhaweeyeen Ciidanka ilaa haddana wax caqabad ah ka taagnayn.
Wakiilka ayaa intaas warkiisa ku daray in war laabta uroon markasta ay ka soo gaaraan deegaanadii laga saaray kooxda Al shabaab sida farxada leh ee ay iskula jaan qaadeen shacabka iyo Ciidanka arrintsoo uu ku tilmaamay mid aan horay Soomaaliya ugu dhicin.
furaha nabadda Soomaaliya ayaa wuxuu ku sheegay inay ubaahantahay in wadadii loo maray qabashada Sabiib Caanoole,Beledul Amiin iyo Cumar Beere oo kale loo maro qaabkaas ayuu ku tilmaamay inay tahay mid lagu gaarikaro xal uhelida marxalada Soomaaliya.
“Khilaafka Soomaaliya wuxuu u baahan yahay in la xalliyo iyada oo loo marayo hab xeeladaysan, isku diyaarinta doorashooyinka iyo tayaynta Ciidanka millatariga iyadoo la eegayo baahida aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed,Ciidanka MAISOM waxay fahamsan yihiin in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya la gaari karo,iyadoo laga Cabir qaadanayo nidaamka wanaagsan ee ka dhacay deegaanada Sabiib Caanoole,Beledul Amiin iyo Cumar Beere ka dib markii kooxda Al shabaab ay ka saareen Ciidanka Millatariga Soomaaliya ilaa haddana ifafaalo wanaagsan ka soo baxayaan deegaanadaas,sida farxadda leh ee shacabka deegaanada ay soo dhaweeyeen Ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM”ayuu yiri Wakiilka Midowga Africa Francisco Madeira.
Hadalkan Francisco Madeira Wakiilka Midowga Africa ee AMISOM ka soo yeeray ayaa wuxuu ku qoray bogga uu ku leeyahay Twitter-ka iyadoo hadalkiisa uu ku soo aadayo xili khilaaf xoogleh uu ka dhax taaganyahay Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya sida Puntland,Jubbaland iyo Galmudug.