Wararka Soomaalida

Waqtiga doorashada Galmudug oo dib udhac yimid (Akhriso)

Published

on

Guddiga farsamada maamul u dhisidda Galmudug oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay degmada Dhuusa-Mareeb ayaa shaaciyay jadwalka doorashada Galmudug inuu isbedel ku yimid iyadoo gudigan Jadwalkii hore ee ay soo saareen ku salaysnaa in 19 bishan December ay dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug iyo ku xigeenadiisa halka Golaha Baarlamanka Galmudug kaba sii horeeyo tan gudoonka laakiin qabsoomi waysay arimo soo kordhay awgeed.

Gudoomiyaha Gudiga farsamada maamul udhisidda Galmudug Cabdinaasir Gelle Cilmi ayaa sheegay inay habsan ku keentay jadwalkii hore ee ay uqorsheeyeen maamul dhisidda Galmudug xalinta khilaafkii ka dhashay xarayntii Odyaasha dhaqanka muddana ku qaadatay in arinkaas ay xaliyaan.

Gudoomiye Cabdinaasir Gelle Cilmi ayaa intaas hadalkiisa ku daray in hadda ay ka soo gudbeen wax Allaale wixii muran iyo khilaaf ahaa oo hadda ay ku guuleysteen inay soo xaliyaan inta yar ee uhadhayna ay dhamaystirayaan 19-ka ilaa 23-ka bishan December ee sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka.

Gdiga farsamada maamul udhisidda Galmudug ayaa hadda soo saaray jadwal cuaub oo tibaaxaya in 24-ilaa 30 bishan December la soo xulayo Golaha Baarlamanka Galmudug sidoo kale la dhaarin doono 31-ka bishan December.

Jadwalkan cusub ee hadda ay soo saareen Gudiga Farsamada maamul udhisidda Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in 4 bisha January ee sanadka cusub ee 2020-ka la dooran doono Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ama Baarlamanka Galmudug sidoo kale doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug ay dhacayso 9 bisha January ee sanadka cusub ee 2020-ka.

Trending

Exit mobile version