Wararka Soomaalida
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxii Gaalakacyo
Qarax khasaaro nafeed gaystay ayaa caawaca wuxuu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo dhinaca Maamulka Puntland ka dib markii Bam gacmeed lagu weeraray Saldhiga Ciidanka Booliska Puntland ay ku leeyihiin dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.
Koox hubaysan ayaa lagu soo waramayaa in saldhiga Ciidamada Booliska Puntland Bam gacmeed khasaaro gaystay caawa ay ku qaadeen ka dibna ka baxsaday goobtii ay weerareen.
Khasaaraha Bam gacmeedka lagu qaaday saldhiga Ciidamada Booliska Puntland ayaa sababay dhaawaca laba askari oo boolis ah iyo qof shacab ah sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah shacabka ku nool dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo dhinaca Maamulka Puntland.
Dhaawacyada seddaxda qof oo labo ay yihiin Ciidamada Booliska Puntland halka qofka seddaxaad uu yahay shacbka waqooyiga Gaalkacyo ayaa loola cararay Isbitaal ku yaala dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo iyadoo dableydii weerartay Saldhigana ay baxsadeen sida wararka aan ku helnay.
Ciidamada amniga maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa weerarka ka dib howlgal ka bilaabay xaafadaha magaalada Gaalkacyo dhinaceeda waqooyi iyagoo halkaas ka baadi goobaya Kooxdii caawa weerartay saldhiga Ciidanka booliska Puntland.