Wararka Soomaalida

Warar horleh oo ka soo baxaya Weerarka Hotel Dusit ee Nairobi lagu qaaday

Wararka wali ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa sheegaya in wali Hotelka Dusit ee ku yaalla Degmada Westeland ee Magaalada Nairobi ay ka dhex dagaalamayaan Afar Dagaalame oo Al shabaab ah. Saraakiisha Kenyan ayaa ku mashquulsan sidii kooxdan qabsatay Hotel Dusit looga saari lahaa iyo qaabkii looga badbaadin lahaa dadka wali nool […]

Published

on

Wararka wali ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa sheegaya in wali Hotelka Dusit ee ku yaalla Degmada Westeland ee Magaalada Nairobi ay ka dhex dagaalamayaan Afar Dagaalame oo Al shabaab ah.

Saraakiisha Kenyan ayaa ku mashquulsan sidii kooxdan qabsatay Hotel Dusit looga saari lahaa iyo qaabkii looga badbaadin lahaa dadka wali nool ee ku jira gudaha Hotelka.

Dhawaqa Rasaas xooggan ayaa lagu soo waramayaa in laga maqlayo Qolalka iyo qeybo ka mid ah Hotelkaasi.

Ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka ka socda hotelka kuyaala Nairobi waxayna ciidamada adeegsanayaan rasaas culus ay ku ridayaan dableyda hubeesan ee wali ku jira Hotelka Dusit.

Warbaahinta Kenya ayaa soo bandhigaya dad ay ciidamada amaanka kasoo bad baadiyeen qeybo kamid ah dhismaha la weeararay waxaana wali Hotelka gudihiisa laga soo sheegayaa in ay go’doon ku yihiin dad aan tiradooda la ogeyn .

Inta la xaqiijiyay shan qof oo Kenyan ah ayaa ku dhintay qaraxyada iyo weerarka tooska ah ee lagu qaaday Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi waxaa sidoo kale qaar kamid ah Isbitaalada magaaladaasi la geeyay dad badan oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Xaaladda Magaalada Nairobi ayaa caawa ah mid xaalkeedu aanay wanaagsaneen marba marka ka dambaysa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan weerarkan Al shabaab ay ku qaadeen Hotelka Dusit ee Degmada Westeland ee Magaalada Nairobi.

Wixii ku soo kordha wararkan ku saabsan Weerarka Hotel Dusit ee Al shabaab wali ay ka dhex dagaalamayaan kala soco Tusmotimes insha, Allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version