Wararka Soomaalida
Wariyaashii Al shabaabka ahaa ee Duqeynta lagu dilay oo magacyadooda lahelay(Akhtiso)
Sida maanta ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna Diyaaradaha qumaatiga ukaca ee Maraykanka ayaa shalay duqeyn ay ka fuleyeen agagaarka Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ku dilay 52 Al shabaab ah waxaana tiradaas ka mid ahaa Afar Wariye oo ka howlgalayey Radio Andulus oo ku hadasha Afka Makeeshiyada Al shabaab. Wariyaasha Al shabaabka […]
Sida maanta ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna Diyaaradaha qumaatiga ukaca ee Maraykanka ayaa shalay duqeyn ay ka fuleyeen agagaarka Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ku dilay 52 Al shabaab ah waxaana tiradaas ka mid ahaa Afar Wariye oo ka howlgalayey Radio Andulus oo ku hadasha Afka Makeeshiyada Al shabaab.
Wariyaasha Al shabaabka ahaa ee hadda la xaqiijiyey in duqeynta ay ku dhinteen ayaa waxaa ka mid ah
1-Feysal Yare oo Radio Andulus uqaabilsanaa duubista Muuqaalada weerarada iyo Sawir qaade sidoo kale ahaa Barnaamij soo saare Al shabaab ah
2-Maxamed Aadan Nasrudiin oo Idaacadaas uqaabilsanaa tabinta tooska ah markii ay dhacayaan Qaraxyada ismiidaaminta ah iyo dagaalada sidoo kale ahaa War Akhriye Al shabaab ah
3-Cabdikariim Seyfulah oo ahaa soo jeediye Barnaamijyada boro bagaandada ah ee Al shabaab iyo wixii dheeraad ah ee ka soo kordha dhanka madaxda Al shabaab ee sida dhaqsida leh loo tabinayo.
4-Xasan Cabdiraxmaan oo Sedaxdaan Wariye Madax u ahaa kana xaqiijinaya waxa loo sheegayo Madaxda Al shabaab.
Wariyaashan Al shabaabka ahaa ee hadda la xaqiijiyey in lagu dilay duqeynta ayaa waxay qayb ka ahaayeen Kooxdii Al shabaaka ahaa ee shalay weeraray Xarunta Ciidanka ee Baar-Sanguuni waxaana la duqeeyey oo diyaaradaha gantaalada ay la heleen markii ay ka soo laabteen weerarkaas.
Sidoo kale diyaaradaha Maraykanka ayaa burburiyey xaruntii Radio Andulus ay ku lahayd Degmada Bu,aale ee Jubbada dhexe.
Al shabaab ayaa iska hadda la hadlin Geerida Afartii Wariye ee ka tirsanaa Radio Andulus ee Afka Albshabaab ku hadasha ee duqeyntii shalay lagu dilay.