Wararka Soomaalida

Wasaaradda beeraha oo beenisay warbixintii Ireland

Published

on

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya iyo Iskaashatooyinka Beeralayda Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah uga hor yimid daraasaad la sheegay inay qaldan tahay oo lagu soo bandhigay Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland.

Daraasadda lagu soo bandhigay Ireland ayaa waxaa lagu sheegay in cuduro laga heley qaar ka mid ah dalagyada ka soo go’a dalka Soomaaliya gaar ahaan Galeyda iyo Masagada iyadoo arinkaas iskaashatada Beeralayda Soomalaiyeedna si aad ah udiideen inay sax tahay.

Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay iskuugu yimaadeen iskaashatada beeralayda Soomaaliyeed iyo howl wadeenada Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa waxaa si weyn loogu beeniyay warbixintaas lagu soo bandhigay Jaamacada ku taala dalka Ireland.

Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa wuxuu sheegay in daraasadda lagu soo bandhigay Jaamacada ku taala Ireland gabi ahaanba ay qaldan tahay wuxuuna intaas hadalkiisa ku daray sida ka muuqatay muuqaal ay isticmaaleen inay ka muuqatay Galay Guduudan iyadoo dalka aanayba soo saarin Galay midibkaas leh.

Trending

Exit mobile version