Wararka Soomaalida
Wasiir Bayle iyo wafdi uu hogaaminayo oo Gaaray kismaayo
Wafdi wasiiro ah oo u hogaaminayo wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cadiraxmaan Ducaale Bayle ayaa galabta ka degay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaana halkaas ku soo dhaweeyay wasiirka Maaliyadda maamulka Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.
Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa safarkiisa Kismaayo ku weheliya wasiirada Maaliyadda Maamulada Hirshabelle,Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Puntland.
Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha Maaliyadda Soomaaliya iyadoo shirkaas ay ka qeyb galayaan dhammaan Wasiirada maaliyada Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ee hoos yimaada dowladda federaalka Soomaaliya.
Wasiirada Maaliyadda maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr jeer shirar ay ugu aransabayeen arimaha maaliyadda ku yeeshay Magaalooyinka Addis Ababa iyo Kambal ee Ethiopia iyo Uganda.
Shirkan berri ugu furmaya magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu dabasocdaa shirarkii dalka dibaddiisa ay ku yeelanayeen.