Wararka Soomaalida
Wasiir Goodax oo sheegay in Golaha shacabka ay ku jiraan xubno Al shabaab ah
Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ahna Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo si adag ugu hadlay buuqii iyo fowdadii shalay ka dhacday kulankii Golaha Baarlamanka ayaa waxaa uu sheegay in Golaha Baarlamanka ay ku jiraan wakiilo u,adeega Al shabaab ka dib markii qaar ka mid ah xubnaha […]
Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ahna Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo si adag ugu hadlay buuqii iyo fowdadii shalay ka dhacday kulankii Golaha Baarlamanka ayaa waxaa uu sheegay in Golaha Baarlamanka ay ku jiraan wakiilo u,adeega Al shabaab ka dib markii qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka ay diideen in xogta Ciidanka laga dhigo mid qarsoodi ah.
kulankii Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa shalay hortagay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya,Taliyaha Asluubta,Taliyaha Milatariga,Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka amniga ka dib markii Golaha shacabka ay uyeereen mas,uuliyiintan iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku simaha Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda Qaranka.
Waxaa kulankaas soo xaadirin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku simaha Hay’adda Nabad sugida ujeedada laamaha amniga loogu yeeray xarunta Golaha shacabka ayaa waxay ahayd in su,aalo laga weydiiyo xaalada amaan ee dalka.
Shalay ayaa waxaa Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ujeediyey Golaha in loo codeeyo in sirta Qaranka gaar ahaan tan ciidanka qarsoodi ahaato iyo in iyadoo saxaafadda ay joogaan wax kasta halkaas laga sheego.
Waxaa ucodeysay in xogta Ciidanka la qariyo Saxaafaddana dibadda loo saaro 104 Xildhibaan waxaa diiday oo ka soo hor jeesatay 21 Xildhibaan oo ah xubnaha mucaaradka ah kulankii Golaha ayaa noqday mid hareeyey buuq,qaylo iyo sawaxan.
Xubnaha mucaaradka ah ayaa Saxaafadda u diiday in dibadda ay ubaxaan ka dib markii gudoonka uu ku amray in Saxaafadda banaanka loo saaro iyadoo xubnaha 21 mucaaradka ah isku gooyey Albaabkii laga bixilahaa.
Intaas ka dib waxaa kulankii Baarlamanka si deg deg ah u soo xiray Gudoomiye Maxamed Mursal maadaama goobtii ay noqotay meel qaylo iyo fowdo miiran ah.
Markii Golaha shacabka ee Baarlamanka ay dibadda u soo baxeen ayaa waxaa barxada xarunta Golaha shacabka Saxaafadda kula hadlay Xildhibaan ahna Wasiir Cabdulaahi Goodax Barre wuxuuna sheegay xubnaha Baarlamanka ee diiday in sirta Ciidanka Qaranka la qariyo ay yihiin wakiilo Al shabaab ah kana tirsan Baarlamanka Soomaaliya.
Xiligii Warkaas uu sheegayey Wasiir Goodax ayaa waxaa gadaashiisa marayey hadal durniin ahna ku tuuray Wasiirka Goodax Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka mid ah xubnaha diiday in sirta Ciidanka laga dhigo mid qarsiidi ah hadalkaas waxaa ka jawaabay Cabdulaahi Goodax Barre wuxuuna Xildhibaanka hadalka ku tuuray ku tilmaamay in uu ka mid yahay xubnaha Al shabaab u matala Golaha shacabka.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ujeediyey Cabdulaahi Goodax barre in ay ogaadaan in Baarlamanka Soomaaliya ay ka buuxaan wakiilo Al shabaab ah.