Wararka Soomaalida
Wasiir ka mid ah Maamul goboleedyada oo dhaawac soo gaaray
Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho oo dad ubadan rayidka ay ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen ayaa shaqsiyaadka hadda la ogaaday in dhaawac uu ka soo gaaray qaraxyadaas wuxuu noqday wasiirka Dastuurka Maamulka Galmudug Abshir Cabdi. Wasiir Abshir Cabdi ayaa dhaawaciisu waxaa la sheegay in uu ahaa burbur soo gaaray dhinaca faraha lugaha iyo […]
Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho oo dad ubadan rayidka ay ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen ayaa shaqsiyaadka hadda la ogaaday in dhaawac uu ka soo gaaray qaraxyadaas wuxuu noqday wasiirka Dastuurka Maamulka Galmudug Abshir Cabdi.
Wasiir Abshir Cabdi ayaa dhaawaciisu waxaa la sheegay in uu ahaa burbur soo gaaray dhinaca faraha lugaha iyo firiro galay jirkiisa markii loo eego wixii dhacay wuxuu noqday qofka kaliya ee dhaawaciisa ugu sahlanaa dhaawacyadii la geeyey Isbitaalada Muqdisho.
Wasiir Abshir Cabdi oo ka mid ahaa ayaa waxaa dhaawaciisa la dhigay mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho waxaana hadda la hadal hayaa in xaaladiisa caafimaad ay soo hagaagtey waxaana laaga saarey Isbitaalkii lagu daweeyey ka dib markii la xaqiijiyey caafumaadkiisa sida ay inoo sheegeen ehelada Wasiir Abshir Cabdi.