Wararka Soomaalida

Wasiir ka mid ah Soomaaliland oo aflagaadeeyay Madaxda Qaranka

Maxamed Daahir Axmed Wasiir ku xigeenka waxbarashada Maamulka Soomaaliland ayaa bartiisaTwitter-ka ku soo qoray hadal uu ku taageerayo warkii ka soo yeeray Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ee ahaa in Golaha Koongarayska Maraykanka ay ka tirsan yihiin labo gabdhood oo asal,ahaan udhalanin dalka maraykanka kana soo jeedaan wadamo aan nidaam iyo dowlad toona lahayn islamarkaana […]

Published

on

Maxamed Daahir Axmed Wasiir ku xigeenka waxbarashada Maamulka Soomaaliland ayaa bartiisaTwitter-ka ku soo qoray hadal uu ku taageerayo warkii ka soo yeeray Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ee ahaa in Golaha Koongarayska Maraykanka ay ka tirsan yihiin labo gabdhood oo asal,ahaan udhalanin dalka maraykanka kana soo jeedaan wadamo aan nidaam iyo dowlad toona lahayn islamarkaana ku laaban karin.

Iyadoo gabdhahaas uu sheegay Trump ay kaw ka tahay gabadha asal,ahaan ka soo jeeda Soomaaliya balse haysata dhalashada wadanka Maraykanka ee ku jirta Golaha Koongarayska Maraykanka ee ilhaan Cumar ayaa wasiir ku xigeenka waxbarashada Maamulka Soomaaliland ku taageeray hadalkaas wuxuuna sheegay inuu runta sheegay Donald Trump Soomaaliya wax nidaam iyo kala dambayna kajirin.

Maxamed Daahir Axmed ayaa sheegay in iyagoo ah Jamhuuriyadda Soomaaliland ku racsanyihiin warkaas Muqdisho-na ay ka taliyaan wax uu ugu yeeray Maafiyo wax nidaam dowladeed ah oo ka jirana la, arag.

Wasiirku xigeenkan waxbarashada Maamulka Soomaaliland Maxamed Daahir Axmed ayaa intaas warkiisa ku daray in iyagu ay yihiin Qaran leh calan nidaam iyo kala dambayn kana mid ah wadamada Geeska Africa balse Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya ay haystaan koox Maafiyo ah.

 

Hadalkan ka soo yeeray wasiir ku xigeenka waxbarashada Maamulka Soomaaliland Maxamed Daahir Axmed ayaa waxaa wax lalayaabo ah ku tilmaamay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed waxayna ku tilmaameen wasiir ku xigeenkaas inuu yahay shaqsi xanuunsan oo warkiisa qabasho iyo meel loo raaco toona lahayn waxayna alle ubaryeen in Caafimaad taam ah siiyo Maxamed Daahir Axmed iyo inta kale ee fikirkaas laqabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version