Wararka Soomaalida
Wasiir Sadiiq Warfaa oo Brussels kula kulmay Hans Stausbol
Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliye Sadiiq Xirsi Wafaa iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa halkaas wuxuu kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan ururka Midowga Yurub.
Wasiir Sadiiq Xirsi ayaa Magaalada Brussels kula kulmay madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika Hans Stausbol kulankaasi waxaa si qoto dheer looga hadlay howlaha shaqo ee Xuquuqda Shaqaalaha,daryeelka Bulshada iyo Dib-u-habeeynta Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.
“Inta uu kullanka socday ayaa waxaan caddeeyay ajandahayaga kulanka waxaana ka codsaday Madaxdii aan la kulmay in Midowga Yurub door taageero mugleh ku yeesho dadaalada aan ku dooneyno dib u habeynta shaqaalaha iyo shaqo abuurka Soomalaiyeed”ayuu yiri wasiir Sadiiq Xirsi Warfaa iyadoo Midowga Yurub uu ku amaanay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed marwalba ay la garab taagan yihiin.
Madaxa Midowga Yurub ee Bariga Afrika Hans Stausbol ayaa wuxuu muujiyay intii uu socday kulanka sida ururka ugu qanacsanyahay dadaalada socda ee dib u habeynta shaqaalaha iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed iyadoo kulanka uu ku caddeeyay in Midowga Yurub uu garab taaganyahay qorshaha lagu dhimayo shaqo la’aanta ka jirta Soomaaliya.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Sadiiq Xiris Warfaa ayaa dadaal ku bixinaya xal u helida shaqo la’aanta iyo daryeelka bulshada wuxuuna muddada uu ku suganyahay magaalada Brussels uu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta Belgium,Midowga Yurub iyo hay’adaha caalamiga ah si wax yaabo badan ugala hadlayo.