Local News

Wasiir Sadiiq Warfaa oo kulan xog wareysi ah la yeeshay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka

Published

on

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa kulan xog wareysi iyo casho Sharaf iskugu jira la yeeshay qaar kamid ah Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka ee ku dhaqan gobolka Minnesota habeenkii Arbacada, November 6, 2019.

Kulankan soo dhoweynta iyo xog wareysiga oo ahaa mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax Soomaaliyeed oo kala socday gobolka Minnesota iyo dalka Soomaaliya.

Madaxdii marti sharafta kamid ahaa ee goob jooga ku ahaa munaasabaddan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda mudane Xildhibaan Mohamed Said Abdullahi, Xildhibaan Maxamud Nuur oo isagu ah xildhibaan kamid ah baarlamaanka gobolka Minnesota.  

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa munaasabadan wasiiro hore oo ay kamid ahaayeen wasiirad Nadiifo Maxamed Cusman oo ahayd wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska, Maxamed Xaaji Cabdi Nuur Madeer oo ahaan jiray wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya iyo Maxamed Kaynaan oo ahaa xildhibaan iyo wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshaddaha.

Abwaanad Hibo Mohamed (Hibo Nuura) oo ka mid ahayd fanaaninta caan baxay ee magac iyo maamuus wayn ku leh bulshada Soomaliyeed ayaa iyaduna kamid ahayd marti sharafta ka qayb qaatay munaasabaddan. Waxaa kullankan ka qayb qaatay qaar kamid ah  cullumada, haldoorka, ganacsatada, dhallinyaradda, aqoonyahaniinta, haweenka iyo hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee iyagu ku dhaqan gobolka Minneosta.

Dr. Sheekh Xassan Jaamici oo kamid ah cullumadda, hogaamiyeyaasha iyo aqoonyahaniinta Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota oo isagu qudbad dhinacyo badan taabanaysa munaasabadda ka jeediyay ayaa gudoonsiiyay Abaalmarin iyo billad Sharaf Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa.

Kullanka iskugu jiray casho sharafta iyo xog wareysiga  oo lagu qabtay Hotel-ka weyn ee Crowne Plaza ee ku yaala magaalada Bloomington, Minesota ayaa waxaa soo abaabulay Aden Ugas oo ka mid ah dhallinayarada Soomaaliyeed ee hadh iyo habeen u ola-oleeya arrimaha bulshadda iyo horumarka Jaalliyadda Soomaaliyeed.

Dhamaan marti sharaftii ka qayb gashay munaasabaddan xog wareysiga iyo casho Sharafta iskugu jirtay ayaa ku ammaanay Wasiir Sadiiq Warfaa da’daalkiisa iyo wax qabadkiisa muuqda ee la xiriira wasaarada uu hogaamiyaha u yahay.  Mudane wasiir Sadiq Warfaa oo isagu adeega bulshadda iyo halganka siyaasadeed ka bilaabay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa isagu u mahadceliyay dhamaan dadkii ka soo qaybgalay oo kulanka xog wareysiga ah, wuxuuna goobta ka jeediyay warbixin dhinacyo badan taabatay.

Trending

Exit mobile version