Wararka Soomaalida
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo warqad udiray Kenya(Akhriso)
Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa caawa warqad ku qorantahay Afka ingiriiska udiray dowladda Kenya wuxuuna kaga hadlay Wasiirka Warqaddan in dowladda Soomaaliya shirkii London lagu qabtay 7-bishan Feberury loogana hadlayey soo bandhigida maabka sahminta shidaal baarista ee Soomaaliya gaynin deegaano ku yaala dhulka Kenya wax laxaraashayna jirin suurtagalna ka noqonaynin Soomaaliya arrimahaas. […]
Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa caawa warqad ku qorantahay Afka ingiriiska udiray dowladda Kenya wuxuuna kaga hadlay Wasiirka Warqaddan in dowladda Soomaaliya shirkii London lagu qabtay 7-bishan Feberury loogana hadlayey soo bandhigida maabka sahminta shidaal baarista ee Soomaaliya gaynin deegaano ku yaala dhulka Kenya wax laxaraashayna jirin suurtagalna ka noqonaynin Soomaaliya arrimahaas.
Waxaa kaloo uu sheegay Axmed Ciise Cawad haddii Kenya ay dacwada badda tahay arinkeeda ay u dacwooto Maxkamadda Caalamiga ah ICJ ee Heeg.
Talaabadii ay Muqdisho ugu soo dirtay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya,Safiirkii ka joogay Soomaaliyana wada tashi ugu uyeertay ay u,arkaan arin shakii iyo mas,uuliyad daro lagu deg degay tahay.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay Kenya in wixii ku saabsan dhulka Soomaaliya badda iyo berigaba gorgortan ka galaynin.