Wararka Soomaalida

Weerar dhinacyo badan leh oo lagu qaaday Bali doogle

Published

on

Al shabaab ayaa saaka weerar dhinacyo badan leh ku qaaday garoonka bali doogleh ee gobolka Shabeelaha hoose iyadoo halkaas ay degan yihiin Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowladda Maraykanka.

Waxaa halkaas ka dhacay saaka dagaal socday saacado kooban waxaana lagu soo waramayaa in khasaaro soo kala gaaray labada dhinac sida aan wararka ku maqalnay.

Ciidamo ay Al shabaab ah ayaa aad ugu dhowaaday gudaha garoonka iyadoo markii dambe Ciidamada dowladda xoog ugu celiyay inay gudaha u galaan Al shabaab.

Garoonka bali doogleh ayaa waxaa sanado badan degan Ciidamada Maraykanka waxaana la degan Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya xaalada bali doogle ayaa hadda degan.

Trending

Exit mobile version