Wararka Soomaalida
Weerar iskuuga jira cirka iyo dhulka oo laga fuliyey Beladul amiin
Deegaanka Beladul Amiin oo ka tirsan Shabeelada hoose ayaa xalay waxaa weerar iskuuga jira Cirka iyo dhulka ku qaaday Ciidamada Kumaandowska Soomaaliya oo ay weheliyaan Ciidamada Maraykanka. Ciidamadan ayaa waxay wateen gaadiidka Cirka iyo dhulka waxaana lagu soo waramayaa in ay weerareen goob ay ku sugnaayeen Kooxda Al shabaab. Ciidamadan oo isticmaalayey diyaarado nuuca qumaatiga […]
Deegaanka Beladul Amiin oo ka tirsan Shabeelada hoose ayaa xalay waxaa weerar iskuuga jira Cirka iyo dhulka ku qaaday Ciidamada Kumaandowska Soomaaliya oo ay weheliyaan Ciidamada Maraykanka.
Ciidamadan ayaa waxay wateen gaadiidka Cirka iyo dhulka waxaana lagu soo waramayaa in ay weerareen goob ay ku sugnaayeen Kooxda Al shabaab.
Ciidamadan oo isticmaalayey diyaarado nuuca qumaatiga u kaca ayaa Wararka qaar waxay sheegayan in ay ku dageen duleedka deegaanka Beladul Amiin waxayna ciidamada dhinaca lugta ah ku galeen deegaankaas oo ay maamulaan Kooxda Al Shabaab.
Dagaal xoogan ayaa la sheegay in xalay aagaas uu dhex maray ciidanka weeraray Beladul Amiin iyo Kooxda Al Shabaab waxaa sidoo kale ciidamada huwanta ah diyaarado ku duqeeyeen qeybo kamid ah deegaanka Beladul Amiin sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno deegaankaas.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa Saxaafadda u sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday deegaanka Beladul Amiin khasaaro lagu gaarsiiyay kooxda Al Shbaaba ee ku sugnaa deegaankaas.
Khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka iyo duqeynta ka dhacday deegaanka Beladul Amiin ee duleedka Degmada Afgooye ayaan wali si rasmi ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay,sidoo kale lama oga in weerarkaas dad raised ah uu khasaaro kasoo gaaray iyo in kale.