Wararka Soomaalida
Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhscay Muqdisho
Agagaarka Maajidka Sheekh Cali Suufi ee magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa lagu tuuray Bam gacmeed waxaana ka dhashay dhaawac seddax ruux oo rayid ah.
Goobta lagu tuur Bam gacmeedka ayaa waxaa fariisin Ciidan u ah ciidanka amniga Muqdisho waxaana la sheegay in wax khasaaro ah soo gaarin ciidsnkii la weeraray laakiin rasaastii jiha kasta ay u fardhiyeen Ciidankaas dhaawacday seddax qof oo mid haweenay tahay.
Kooxdii weerartay ciidanka ayaa wararku waxay sheegayaan inay baxsadeen oo aan la soo qaban xaalada ayaa caadi ku soo laabatay.
Dhinaca kale waxaa isla xaafadaas caawa lagu dilay Cabdullaahi Faarax oo ahaa shaqaale ka howl galayay Airport-ka Aadan Cadde ee Muqdisho lamana yaqaano cida dilkiisa ka dambaysay.
Dilka marxuumka ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeen seddax ruux oo mooto Bajaaj saarnaa ka dib markii gaari uu saarnaa Cabdullaahi Faarax rasaas ay ku wada fureen waxaana dhaawac soo gaaray labo dhalinyaro ah oo marxuumka dhintay gaariga lansaarnaa.