Local News

Wiil ka ganacsanayey kiniinadda ay dhallinyaradu u dhintaan oo la xiray

Published

on

Wiil Soomaali ah ayaa loo xiray ka ganacsiga kiniinadda maandooriyeyaasha ah ee Fentanyl. Xeer ilaaliyaha dowladda Mareykanka u fadhiya gobolka Minnesota Erica H. MacDonald ayaa maanta ku dhawaaqay in ay maxkamad federaali ah ay xukun ku soo oogtay MOHAMED SALAH HUSSEIN, oo 25 jir ah.

Mohamed Salah Hussein ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu damacsanaa qaybinta, faafinta iyo ka ganacsiga kiniinadda maandooriyaasha ah ee loo yaqaano fentanyl.

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa markii hore dacwadda loo haysto lagu soo oogay bishii Feberaayo 13, 2020. Mohamed Salah Hussein ayaa hadda ku jiraa xabsi kuyaala degmadda Sherburne iyada oo la sugayo in dacwado kale maxkamad loo keeno.

Sida ku xusan eedeymaha ku jira dacwadda iyo dukumiintiyada maxkamadda laga soo gudbiyey wiilkan Soomaaliga ah, laga bilaabo bishii Noofembar 2019 illaa Febraayo 11, 2020, Maxamed ayaa qaybinayey, kana ganacsanyey kiniiniga fentanyl-ka ah oo aad u fara badan.

Bishii Febraayo 11, 2020, saraakiisha fulinta sharciga ee qaabilsan la dagaalanka maandooriyeyaasha iyo hubka ayaa amar maxkamad ay soo saartey ku soo xiray Mohamed, isaga oo jooga guri uu ka daganaa koonfurta magaaladda Minneapolis. Guriga uu wiilkani degenaa ayaa laga helay  ku dhawaad 1,000 kiniiniyada fentanyl iyo lacag dhan $ 31,285.

Kiiskan iyo baaritaanka lagu soo xiray wiilkan Soomaaliga ah ayaa waxaa ka wada shaqayeeyay Xafiiska Khamriga, Tubaakada, Hubka, iyo waxyaabaha Qarxa, Maamulka Dhaqangelinta Maandooriyaha, Waaxda Boliiska Minneapolis, iyo Waaxda Sheriff Degmadda Hennepin.

Kaaliyaha Qareenka Mareykanka David P. Steinkamp iyo Justin Wesley ayaa dacwada qaadaya oo iyagu gacanta ku haya dawadan ka dhanka ah Mohamed Salah Hussein.

Dhallinyaro baddan oo Soomaali ah ayaa u dhintay isticmaalka kiniinka fentanyl-ka. Kiniinkan ayaa ah maandooriye macmil ah oo halis ah. Dhallinyaradda u dhimatay isticmaalka kiniinkan ayaa waxaa ka  baddan inta dhaawaca ku noqotay ee dhakhtar u gashay qaadashada kiniinkan. Waxaa jira dhallinyaro ilaa iyo hadda dhakhaatiir u jiifa dhaawac caafimaad iyo halis ka soo gaartay isticmaalka iyo qaadashadda kiniinkan.

Wiilkan ayaa noqonayaa qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee lagu soo oogo dacwad la xiriirta kiniinka iyo maandooriyaha fentanyl-ka. Inta baddan dad kale oo aan Soomaali ahayn ayaa loo xiraa ama lagu soo oogaa dacwado la xiriira kiniinkan maandooriyaha ah.

https://www.justice.gov/usao-mn/pr/minneapolis-man-indicted-fentanyl-distribution-chargesHalkan ka akhriso dacwadda lagu soo oogay Mohamed Salah Hussein.

Trending

Exit mobile version