Community

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaaladda Columbus, Ohio

Published

on

Waxaa magaaladda Columbus ee gobolka Ohio xalay lagu dilay wiil dhallinyaro ah oo Soomaali ah.
Ciidanka Booliska magaalada Columbus ayaa sheegaya in wiilkan oo la toogtay uu dhintay kadib markii isaga oo dhaawac ah lagu tuuray isbitaalka Riverside Methodist Hospital.


Sida laga soo xigtay Qeybta Booliska ee Columbus, Shalay abbaaraha saacadu markii ay ahayd 11:57 habeenimo, askarta waxaa loogu yeeray Isbitaalka Riverside Methodist waxaana askarta lagu wargeliyay in wiil dhallinyaro ah oo la soo toogtay, laguna soo tuuray banaanka Isbitaalka uu ku jiro gargaarka degdegga ah.


Hadaba Khalaf B. Mohamed ahaa 23-jir ayaa dhintay 1:18 subaxnimo maanta oo ah Arbaco bishuna tahay November 13, 2019. Khalaf ayaa ku dhintay isbitaalka Riverside Methodist Hospital. Khalaf ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray toogasho loo geystay.


Ilhaa iyo hadda lama oga qofka ka dambeeyay dilka iyo tooshada Khalaf B. Mohamed oo ahaa 23-jir. Ciidanka Booliiska ayaa codsanaya in ay la soo xiriirto cidii wax ka og ama haysa akhbaar la xiriirta dilka iyo toogashada wiilkan.
Booliiska magaaladda Columbus, Ohio ee iyagu gacanta ku haya baaritaanka dilkan ayaa codsaday in laga soo xiriiro taleefanada 614-645-4730 ama 614-461-8477.

Trending

Exit mobile version