Wararka Soomaalida

Xaaf iyo Shaakir oo shuruudo ku xiray dalabkii Dowladda dhexe(Akhriso)

Ka dib markii dhawaan Degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud uu gaaray wasiirka arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulan qaatay 24 saac la yeesheen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Golaha wasiirada Maamulka Galmudug. Kulankaas oo intabadan quseeyey arrimaha […]

Published

on

Ka dib markii dhawaan Degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud uu gaaray wasiirka arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulan qaatay 24 saac la yeesheen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Golaha wasiirada Maamulka Galmudug.

Kulankaas oo intabadan quseeyey arrimaha Khilaafka gaamurey ee Galmudug iyo in doorashada Baarlamanka iyo tan Madaxda Galmudug inay ku dhacdo waqtigii dowladda u sameysay ayaa  waxaa lagu soo kala tagay natiijo la,aan sida aan Wararka ku hayno.

Wafdigii wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa natiijo la,aan ku soo laabtay Magaalada Muqdisho ka dib markii la,usmari waayey.

Xaaf iyo Shaakir ayaa shuruudo adag hordhigay wasiir Sabriye waxana qodobada la, isku mariwaayey ka mid ah Xaaf iyo Shaakir oo sheegay in waqtiga dowladda iclaamisay meesha laga saaro iyo in Dowladda Soomaaliya Madaxdooda ay aqoonsadaan Dastuurka Galmudug farahana Kala baxaan arrimaha Galmudug.

War-saxaafadeed ay soo saareen maanta Xaaf iyo Shaakir ayaa waxaa uu uqornaa sida tan.

“Galmudug waxay muujisay in miiska wada-Hadalka la isugu imaan karo hadii Dowlada Fadraalku ay tixgaliso Dastuurka Galmudug islamarkaana ay gacmaha ka laabato faragalinta qaawan oo ay ku heyso jiritaanka Hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug sida muddo xileedka Madaxda sare iyo Golaha Baarlamaanka ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Xaaf iyo Shaakir”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version