Wararka Soomaalida
Xaaf oo ka degay Gaalkacyo isagoo caraysan
Ka dib markii uu fashilmay Shirkii ugu socday Garowe madaxda Qaranka iyo madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta waxaa Magaalada Gaalkacyo ka degay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf. Xaaf markii uu ka degay Gaalkacyo ayaa wuxuu sheegay in Shirkii Garowe uu ku soo dhamaaday fashil ka dib markii sida uu sheegay madaxda dowladda […]
Ka dib markii uu fashilmay Shirkii ugu socday Garowe madaxda Qaranka iyo madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta waxaa Magaalada Gaalkacyo ka degay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.
Xaaf markii uu ka degay Gaalkacyo ayaa wuxuu sheegay in Shirkii Garowe uu ku soo dhamaaday fashil ka dib markii sida uu sheegay madaxda dowladda dhexe ay dhegaha ka furaysteen go,aankii maamulada seddaxda ah ee Puntland,Jubbaland iyo Galmudug.
Go,aankaas oo ahaa in wax allaale wixii hadafkooda ah madaxda Qaranka ay ka yeelaan Maamulada isku hadafka ah sidaasna uu ku fashilmay shirka sida uu warka udhigay Xaaf.
Xaaf ayaa intaas warkiisa ku daray in Galmudug ahaan ay aad ugu xunyihiin inuu fashilmo shirkii Garowe Lixda maalin ay ku lahaayeen.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa sheegay in Soomaaliya aaney ka jirin wax nimaad dowladeed ah Maamulada ay isku rayiga yihiina aayahooda ay ka tashadaan.
Shirkii Garowe ee Axdii la soo dhafay ka furmay Garowe ee 6 Maalin ka socday halkaas ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in Labada Axmed ee Galmudug iyo Jubbaland kala hogaamiya ay hor seed u yihiin in shirkaas uu fashil ku soo dhamaado.