Wararka Soomaalida
Xaaf oo khudbad horay loogu baran ka jeediyay shirkii Madasha Soomaaliya
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay shirkii Madasha Soomaaliya ee maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho kana qaybgalay ayaa shirkaasi ka jeediyay khudbad horay aan looga baran Xaaf inuu jeediyo ka dib markii si qabow oo ka duwan sidii horay loogu bartay uu ka jeediyay madasha shirka.
Axmed Ducaale ayaa khudbadiisa kaga hadlay maqnaashaha shiraas Maamulada Jubbaland iyo Puntland iyo arrimo la xiriira dhinacyada Siyaasada, dhaqaalaha iyo amniga iyadoo wax dhaliil ah habayaraatee marnaba ujeedin madaxda dowladda federaalka Soomaaliya sidii horayba loogu bartay Xaaf in munaasabadahan oo kale si aad ah ugu weeraro khudbadihiisa madaxda federaalka Soomaaliya.
Xaaf oo ka hadlay arrimaha Siyaasadda ayaa sheegay inay Shirka ka maqan yihiin saaxiibo muhiim ah oo loo baahan yahay in arintooda wax laga qabto wuxuuna rajo weyn ka muujiyay inay wada shaqeeyaan dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada hoos yimaada dowladda federaalka Soomaaliya ee ka jira dalka wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay si dhow ulasocdaan xaaladaha dalka Soomaaliya islamarkaana ka caawiyaan horumarinta danta guud ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Axmed Ducaale Geele Xaaf siihayaha xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa khudbadiisa amaan iyo bogaadin ugu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo markii hore shirka ku soo dhaweeyay halkaasna ka sheegay in Xaaf la’aantiis aan la gaari laheyn wax horumar ah oo la xiriira dib u dhiska Galmudug.
Axmed Ducaale Geele Xaaf siihayaha xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda federaalka Soomaaliya u dhegtaagayay hadalada ku kulul ee uu ku weeririjiray madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya in maanta uu ka jeedin doono shirka laakiin wuxuu ka jeediyay khudbad ka niyad jebisay mucaaradka maadaama sida ay rabaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ujeediyay hadalkiisa.