Wararka Soomaalida

Xaaf oo xasuuqii Gaalkacyo xamar usaariyay

Madaxweynaha Maamulka Galmudug qeybta Dhuusamareeb Axmed Ducaale Geele Xaaf oo maanta Shirjaraa,id ku qabtay degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ka dib markii uu ka soo laabtay safar maalmahaanba uu ku joogay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay Xasuuqii Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug loogu gaystay qoyasas ka soo kala jeeday […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Galmudug qeybta Dhuusamareeb Axmed Ducaale Geele Xaaf oo maanta Shirjaraa,id ku qabtay degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ka dib markii uu ka soo laabtay safar maalmahaanba uu ku joogay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay Xasuuqii Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug loogu gaystay qoyasas ka soo kala jeeday deegaanada Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Xaaf ayaa xasuuqaas ku tilmaamay mid laga lahaa arimo siyaasadeed iyo dano gaar ahaaneed kuwa gaystayna Maamulka Galmudug ka madaxbanaan yihiin islamarkaana laga xukumo meel ka baxsan Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geele Xaaf ayaa xasuuqaas Xamar usaariyay wuxuuna sheegay in shaqsiyaadka ka dambeeyay ficiladaas laga soo diray Xamar kuwasoo danihii loo soo diray ku fuliyay dad rayid ah.

Xaaf ayaa sheegay 15-kii qof ee lagu dilay Koonfurta Gaalkacyo in ay ka dambeeyaan Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad ee ka howlgasha Galmudug isagoo intaas warkiisa raaciyay in amar laga soo siiyay Muqdisho ka dibna ay laayeen dad abriyaa,ah oo waxba galabsan siyaasadna laga leeyahay xasuuqaas ka dhacay Magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Koonfureed ee Maamulka Galmudug.

“Dilalka ka dhacay Galmudug waxbadan oo ka mid ah waxaad moodaa in ay siyaasadaysan yihiin,sida Ciidanka 21-aad aan ugu baranay ficiladooda kuwaasoo dadka ku tumanaya oo laynaya,annagu markii shilka ka dhacay Galkacyo dhinaceena baarsi ayaan ku samaynay dhacdadaas hal nin oo boolis ah ayaa ku jiray ninkiina waa soo xirnay inta kale Militariga Soomaaliya qeybta  21-aad ayay noqdeen xataa tiradooda ayaan soo ogaanay waa 10 nin oo xoogga dalka ka mid ah islamarkaana Xamar laga xukummo kuwaasi,innaga nagama amarqaataan cid kasta waan u sheegeynaa haddii dambi gaysteen waxaa lagala xiriirayaa cidda xukunta iyagaa qaban kara ee Galmudug shaqo kumalahan,annaga Ciidankeenna xaq uma laha in ay wax ka qabtaan dambigaas”ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Xaaf ayaa hadalkiisa sii raaciyay inaysan Galmudug xaq u laheyn inay soo qabtaan Ciidamada Militariga maadaama aysan maamul ahaan hoos tagin oo ay maamusho dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf warkiisa ayaa wuxuu umuuqdaa mid iska leexinaya Kiiskaas islamarkaana iska beri yeelaya Xasuuqii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Koonfureed iyo duleedka Dhuusamareeb ee lagu laayay shacab aan waxba galabsan sida ay aaminsan yihiin ibadan oo ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version