Wararka Soomaalida

Xaalad deganaasho ah oo laga dareemayo Xeraale

Xaalada Degmada xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa degan ka dib markii shalay uu ka dhacay dagaal sababay dhimashada 55 qof dhaawacyana uu gaaray 100 ruux. Dagaalkaas oo uu dhexmaray beel walaal ah oo degan Degmada Xeraale iyo nawaaxigeeda iyadoo ilaa hadda aan la ogayn halka uu salka ku hayo dagaalkaas. Dhaawacyadii labada dhinac maleeshiyadooda ayaa […]

Published

on

Xaalada Degmada xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa degan ka dib markii shalay uu ka dhacay dagaal sababay dhimashada 55 qof dhaawacyana uu gaaray 100 ruux.

Dagaalkaas oo uu dhexmaray beel walaal ah oo degan Degmada Xeraale iyo nawaaxigeeda iyadoo ilaa hadda aan la ogayn halka uu salka ku hayo dagaalkaas.

Dhaawacyadii labada dhinac maleeshiyadooda ayaa maanta la soo gaarsiiyey Isbitaalada ku yaala Magaalada muqdisho.

Isbitaalka Daarul-shifa ee Magaalada Muqdisho ayaa galabta waxaa la soo gaarsiiyey 68 qof islamarkaana ka mid ah labadii dhinac ee isku dishay degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Wali waxaan xal laga gaarin Khilaafka beeshaas dhexdeeda ah waxaana Xeraale nawaaxigeeda isku hor fadhiya Maleeshiyadii shalay dirirtay.

Dagaalkan ka soo cusboonaaday degmada Xeraale ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in uu salka ku hayo dagaal dhiigbadan uu ku daatay oo isla beegshan ku dhaxmaray Xeraale sanadkii 2017 dii ka dibna iska dilay 30 ruux.

Meleeshiyadaas ayaa waxay ka soo jeedaan hal beel oo ah Beesha ay ku abtirsadaan Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalle iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir,Sigaasiga Cabdicasiis Sheekh yuusuf Direed iyo Siyaasiga ahna Abwaan Mudane Owliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version