Wararka Soomaalida

Xamar oo howlgal ka bilowday iyo digniin la soo saaray

Published

on

Ciidamada amniga Muqdisho ayaa caawa galay feejignaa dheeri ah ka dib markii hay’ada qaramada midoobay uqaabilsan amniga ay soosaartay digniin shaqaalaheeda uga digayso in suurta gal noqon karto in Muqdusho ka dhacaan qaraxyo 48 saacadood gudahood kuwaas oo ay sheegtay hay,adda in lo adeegsankaro baabuur laga soobuuxiyay walxaha qarxa sida hay’adda warbixinteeda ay ku sheegtay.

Hay’adda QM uqaabilsan amniga ayaa shaqaalaheeda uga digtay inaysan muujin wax keenaya dayacnaan iyo inay yareeyaan dhaq-dhaqaaqooda magaalada Muqdisho maadaama wax walba ay dhici karaan saacad kasta.

Laamaha amniga dawlada fadeeralka soomaaliya ayaa galay feejignaan ayadoo si aad ah caawa loo adkeeyay amniga Muqdisho iyadoo jidadka muhimka ah lagu arkayo ciidamo kala duwan oo ay ka muuqdaan feejignaan.

Meelha hadda Ciidamada ay ka howlgalayaan ee lagu arkay ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Tarbuunka ,Soobe,Banaadir,KM4 iyo labada Excontrol ee laga soo galo Xamar Afgooye iyo Balcad ee Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version