Wararka Soomaalida

Xarumaha warbaahinta Soomaaliland oo amar la duldhigay

Published

on

Xarumaha Television-nada gaarka loo leeyahay ee ku yaala Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa maanta amar la duldhigay ka dib markii kulan lala qaatay dhamaan Agaasimiyaasha xarumahaas kunyaala Hargaysa.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa maanta kulan iskuuga yeeray dhamaan Agaasimiyaasha iyo Tifaftiriyaasha TV-yada sida gaarka ah looleeyahay ee ka howlgal magaalada Hargaysa ee Xxarunta Gobolada waqooyi ee Soomaaliland waxaana kulankaas uu daaranaa labo qodob.

1-sidii ay uwada shaqayn lahaayeen bahda Saxaafadda iyo xafiiska wasiirka warfaafinta Somaliland loona xoojin lahaa dardar gelinta wararka ka soo baxaya xafiiska wasaaradda.

2-iyo in wararka ay baahinayaa dhamaan TV-yada qodobka koobaad ay ka dhigaan kan Soomaaliland halka wararka Soomaaliyana ay ka dhigaan sida wararka caalamka ama qodobka dibadda oo kale.

Is xog wareysi dheer ka dib ayaa bahdii Saxaafadda ee kulankaas lagu casuumay loo qeebiyay War Saxaafadeed amar ah kuna saabsan in wararka Soomaaliland uu ahaado qodobka ugu horeeya baahintooda wareed halka kan Soomaaliya ay ka dhigaan wararka Caalamka.

Agaasimiyaashii iyo Tifaftiriyaashii kulankaas lagu casuumay ayaa ka aqbalay wasiirka qodobka koobaad ee ah inay si dhaw oo hufan ula shaqeeyaan xafiiska halka qodobka labaad ay u sheegeen inay ka soo baaraan degayaan.

ilaa hadda lama oga go,aanka ay ka qaadan doonaan amarka la duldhigay xarumaha warbaahineed ee ku yaala deegaanada Soomaaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version