Wararka Soomaalida

Xarun Al shabaab qarax ku bur buriyeen oo si qiima leh loo dhisay

Published

on

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Cumar Finish ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta degmada Hodan oo sanadkii hore kooxda Al shabaab qaraxyo ay ku bur buriyeen.

Xarunta maamulka degmada Hodan ayaa dib u dhis balaaran lagu sameeyay kadib qaraxii Al Shabaab ku weerareen xaruntaasi 10 September ee sanadkii 2018-kii waxaana qaraxaasi uu bur buriyay qeybo badan oo xarunta kamid ah.

Dib u dhiska lagu sameeyay xarunta degmada Hodan ayaa socday mudo dheer waxaana maanta si rasmi ah xarunta xariga uga jaray Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho isagoo sidoo kale kormeeray xafiisyada xarunta degmada.

Al Shabaab ayaa horey qaraxyo ugu weeraray qaar kamid ah xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir waxaana xarumahaasi lagu sameeyay dib u dhis iyadoo la adkeeyay amaanka wadooyinka loo soo maro xarunta degmada.

Trending

Exit mobile version