Wararka Soomaalida
Xeer ilaalihii Qaranka oo xilkii laga qaaday
Warqad galabta ka soo baxday Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa xilkii looga qaaday Xeer ilaalihii Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo muddo lix sanadood xeer ilaaliye ka ahaa dalka.
Wareegtadaas maanta xilka looga qaaday Axmed Cali Daahir ayaan lagu cadayn sababta xilka looga qaaday kaliya waxaa lagu muujiyay xil ka qaadista Xeer ilaaliyaha.
Dhinaca kale xilkii laga qaaday Axmed Cali Daahir ayaa waxaa xilkiisii loo magacaabay Suleebaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah aqoon yahanada Soomaliyeed.
Dr Axmed Cali Daahir ayaa waxaa xilkan hadda laga qaaday umagacaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xiligii Madaxweynaha dalka uu ka ahaa waxaana la magacaabay 24 July 2014-kii.