Wararka Soomaalida

Xidig,Swan iyo Seeraar oo shir wadayeeshay

Published

on

Ka dib markii maanta wagdi uu hogaaminayo wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya James Swan ay gaareen magaalada Kismaayo ayaa waxay kulan la qaateen Axmed Madoobe iyagoo ka wada hadlay arimo ku saabsan siyaasadda amniga, Doorashooyinka 2021 iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Markii udhamaaday doodii Axmed Madoobe ay la lahaayeen James Swan iyo wafdigiisa ka dib ayaa dhanka kale waxay kulan la qaateen Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax oo ka mid ah siyaasiyiinta ku dhawaaqay 25 August Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyagoo isla qaadaa dhigay xaaladda siyaasadda,amniga,deyn cafunta iyo doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Sidoo kale James Swan iyo Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa ka wada hadlay sida xal looga heli karo isbarbaryaaca siyaasadeed ee ka taagan magaalada Kismaayo kuna saabsan Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar ayaa u sheegay wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya James Swan in dhankooda xal uhelida siyaasadda Jubbaland ay soo dhaweynayaan balse wixii doorashooyin ahaa ee ka dhacay Kismaayo iyo khilaafkii ka dhashay soo xulistii Golaha baarlamanka Jubbaland dib loogu laabto sida ugu wanaagsan ee wax lagu sixi karana taas ay tahay.

James Swan ayaa dhankiisa soo dhaweeyay wajiga wanaagsan ee uu kala kulmay Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Axmed Madoobe isla qodobkan wax laga weydiiyay balse uu ka biya diiday in wax walba (0) laga soo bilaabo sida aan xogtan ku helnay.

“Waxaan leeyahay Shacabka Jubbaland muddo dheer oo aad maamulkii hore ee Jubbaland kala kulmayseen cabudhin iyo caga jugleyn Waxay saacadu dul hoganeysaa xiligii aad ku naaloon lahaydeen go,aan ka gaadhista mustaqbalkiina Jubbaland ay ka dhici lahayd doorasho xor iyo xalaala sidoo kalana Ciidamada Jubbaland ay heli lahaayeen Mushaar joogta ah oo lamida midka Ciidamada kale ee dalku qaataan,Ardayduna heli lahaayeen waxbarasho dalka iyo dibada ah,dhalinyaradu heli lahaayeen shaqooyin iyo xirfado lamida mida asagoodu helaan,maamulkii hore ee Jubbaland wuxuu xarago mooday inay Nairobi u dhuuntaan oo Muqdisho ka dhuuntaan jawaabta arintan Shacabka soomaaliyeed ayaan u daynayaa isbedel doonka Jubbaland Waxaa deeqa doorasho xor iyo xalaal ah oo kaliya”ayuu hadalkiisa ku soo koobay Cabdirashiid Maxamed Xidig ka dib markii kulan saacado qaatay ay wada qaateen James Swan.

Wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa ku hootanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.

Trending

Exit mobile version