Wararka Soomaalida

Xildhibaan Jeesow oo si kulul uga hadlay arimaha doorashada 2021

Published

on

Golaha baarlamanka federaalka Soomaaliya oo mudooyinkaaba dood kulul kalahaa sida dalka ugu dhici karto doorasho qof iyo cod ah ama One Man One Vote doorasho ay ka qeyb qaataan shacabka ayaa badi Xildhibaanada Golaha shacbaka waxay wada qireen in sababo la xiriira amniga oo aad uliita awgeed hadda dalka ka dhaqan geli karin in shacabka ay wax doortaan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha Shacabka kana mid ah mudaniyaasha ku doodaya in hadda la joogin waqtigii shacabka ay codeyn la haayeen ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in seddax sano ka hor shan jeer gaarigiisa uu ku tagay Degmada Jowhar oo ah deegaan doorashadiisa balse hadda amni xumida jirta heerka ay joogto la marayo in irida Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya la qarxiyo ama weerar lagu soo qaado.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa Golaha shacabka maalin walba waxay ka doodayaan in dalka loo jeheeyo doorasho codayn shacab iyo in nooc ka duwan kaas ay isku raacaan Golaha shacabka waxaana wali socota dooda baarlamanka.

Haddii Golaha shacabka ka soo idlaato dooda ay ka leeyihiin arimaha doorashada ayaa waxaa loo gudbin doonaa Golaha aqalka sare oo iyana dood tan la mid ah ka yeelan doona,ugu dambeyna waxay soo saari doonaan go’aan ay ka midaysan yihiin labada aqal ee Soomaaliya.

“Aniga waxaa la iga soo doortay Jowhar markii ay doorashada socotay maalintii shan jeer ayaan baabuurkeyga ku tagi jiray Jowhar hadda lama tagi karo xataa waxaa halis ah in la aado Afgooye, Albaabkii Villa Somalia ayaa la isku dilayaa oo weerar ka socdaa marka sidee doorasho qof iyo cod ah ay dalka uga dhaceysaa ma shacabka ayaa been loo sheegayaa,ha noqdo madaxweyne,ra’iisul wasaare,wasiir,iyo xildhibaan,qof kasta oo yiraahdaa dalkan ayaa doorasho qof iyo cod ah ka dhici kartaa waa beenlow”ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Wali waxaa socota dooda adag ee Golaha shacabka ay kaga doodayaan nooca doorasho ee Soomaaliya ay noqonayso iyo haddii laga fursan waayo muddo kororsi qaabka loo wajahayo dalka iyo shacabka.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa wali ka soo bixin habka doorasho ee Soomaaliya ay noqonayso iyadoo hadda muddo xil haynta hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowdahay heer gabagebo ah.

Trending

Exit mobile version