Wararka Soomaalida

Xildhibaan Jeesow oo weeraray Xildhibaanada qaar

Published

on

Ka dib markii dhowaan hakad lageliyay safarkii magaalada Kismaayo uu ku aadilahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa magaalada Muqdisho shirarjaraa,id ku qabtay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyagoo shirarkaas ku dhaliilay Xukuumadda iyo guud ahaan hay’adaha dowladda federaalka.

Xilshibaanadaas oo tiradooda aad uyareed islamarkaana ka koobnaa labada aqal ee baarlamanka soomaaliya unabadnaa kuwa deegaan doorashadooda ay tahay deegaanada maamulka Jubbaland ayaa taageero iyo garab istaag umuujiyay Axmed Madoobe oo ka mid ah siyaasiyiinta ku soo baxay doorashooyinkii kala duwanaa ee 25 August ka dhacay magaalada Kismaayo waxayna sheegeen in Axmed Madoobe sifo sharci ah lagu doortay.

Haddaba arimahan ayaa waxaa si adag uga hor yimid Xildhibaano uu ka mid yahay Daahir Amiin Jeesow wuxuuna sheegay Jeesow inay layaab iyo murugo tahay Xildhibaano Qaran dowladii ay ka tirsanaayeen in waddo qaldan ku dhaliilaan iyagoo og in sharci daro tahay wixii ka dhacay Kismaayo ka dib Shirjaraa,id oo dhinacooda ay ku qabteen magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku tilmaamay Xildhibaanada saaxiibadiisa ah ee taageeray fowdada Kismaayo kuwo u,adeega dowladda Kenya islamarkaana la oran waa karin Xildhibaano Qaran marba hadii ay taageereen afduubkii Axmed Madoobe uu ku sameeyay habkii doorasho ee Maamulka Jubbaland iyadoo Axmed Madoobe garab weyn uu ka helay dowladda Kenya.

“Xildhibaanada shirka jiraa’id qabtay ee Dowladdii ay ka tirsanayeen iyo Xukumadii xilka u ay dhiibteen cambaareeynayo waa xildhibaano kenya taageersan rabana in dacwada Bada meel aan maxkamad aheen lagu dhameeyo,arintaas waxaan leeyahay (maya maya) Xildhibaano u fikira si sax ah oo sharciga uu qabo ee ha,ufikirina sidii cadowga Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanadan taageersan ficilada Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sharcidaro ku tilmaamay hakintii safarkii Kismaayo ee lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale xanibaada duulimaadka diyaaradaha ee Kismaayo waxayna cambaareen dhamaan talaabooyinka dowladda u adeegsatay maamulka Jubbaland.

Trending

Exit mobile version