Wararka Soomaalida

Xildhibaan ka mid ah Baarlamanka oo baaq u diray dhinacyada ku dagaalamay Sh.dhexe

Xildhibaan Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa waxaa uu baaq udiray meleeshiyada dagaalka ku dhaxmareysa deegaanada ku dhaw Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeelada dhexe. Xildhibaan Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku diriraya Cadalle iyo nawaaxigeeda in si shuruud la,aan ah dagaalka ay ujoojiyaan una dhigo […]

Published

on

Xildhibaan Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa waxaa uu baaq udiray meleeshiyada dagaalka ku dhaxmareysa deegaanada ku dhaw Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeelada dhexe.

Xildhibaan Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku diriraya Cadalle iyo nawaaxigeeda in si shuruud la,aan ah dagaalka ay ujoojiyaan una dhigo nuglaadaan baaqyada isdaba jooga ah ee loo jeedinayo.

“anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya waxaan baaq nabadeed udirayaa walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya deegaanada dhul beereedka ah ee ku dhaw Degmada Cadalle in ay joojiyaan dagaalka dhiiga bicinadarada ah ku daadanaya,waxaan leeyahay walaaliyaal joojiya dagaalka,qaata baaqyada sida xowliga ah la,idiinku jeedinayo dagaal wiil kumadhasho ee wiilbaa ku dhinta qaata waanada iyo talooyinka walaalaha idiin soo jeedinayaan”ayuu yiri Maxamed Amiin Sheekh Cismaan.

Xildhibaan Maxamed Amiin Sheekh Cismaan

Baaqan uu jeediyey Xildhibaan Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii shalay dagaal beeleed dhiigbadana ku daatay uu ka bilowday deegaano ku dhaw Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeelada dhexe.

Dagaalkaas ayaa wali wuxuu ka taagan yahay meeshii uu shalay ka bilowday in kastoo maanta uu yara deganaa deegaankii shalay lagu dagaalamay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version