Wararka Soomaalida
Xildhibaan Kenya ah oo ugefay Soomaaliya amarna soo saaray
Tan iyo markii ay bilaabatay muranka dhinaca badda ee udhaxeeya Soomaliya iyo Kenya ayaa waxaa Kenya hadba soo saaraysay go,aano kala duwan oo ku saabsan ku xad gudubka Qaranimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya. Xildhibaan Moses Kuria oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya kana mid ah Xildhibaanada sida aadka ah ugu dhaw Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dafiray […]
Tan iyo markii ay bilaabatay muranka dhinaca badda ee udhaxeeya Soomaliya iyo Kenya ayaa waxaa Kenya hadba soo saaraysay go,aano kala duwan oo ku saabsan ku xad gudubka Qaranimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.
Xildhibaan Moses Kuria oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya kana mid ah Xildhibaanada sida aadka ah ugu dhaw Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dafiray dowladda Soomaaliyeed waxaana uu shaaciyay in Soomaaliya aysan laheyn dowlad rasmi ah.
Xildhibaankan ka tirsan Golaha Baarlamanka Kenya Moses Kuria oo Saxaafadda kulahadlay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu ku goodiyay in halmaalin ku qaadanaynin Soomaaliya haddii ay usoo jeesadaan sida uu ku faanay Xildhibaan Moses Kuria.
Sidoo kale wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay dal daciif ah oo aan awood laheyn sida uu hadalka u dhigay.
Moses Kuria oo ka tirsan xisbiga Jubilee ee talada haya ayaa carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay sheeganeyso 40% biyaha Kenya taasoo uu ku tilmaamay gar darro.
Waxa kale uu dowladda Kenya u soo jeediyay inay sameyso qodobo uu kula taliyay in ay uga aargudato Soomaaliya.
1-In madaxda iyo ganacsatada Soomaalida ee guryaha iyo ganacsiyada ku leh Kenya laga eryo dalka Kenya
2-In la dhiso darbiga xuduudda ee labada dal dhaxeeya
3-In la xiro xerooyinka qaxootiga Soomaalida ee ku ya Kenya
4-In madaxweyne Farmaajo uu ku sheegay inuu yahay muwaadhin Maraykan ah uusan cag soo dhigin Kenya.
Kenya ayaa marar badan qaatay tallaabooyin ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka Badda ee labada dal.
Dhageysiga dacwadda u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maxkamadda ICJ dib uga bilaabi doonta bisha September ee sanadkan 2019-ka.