Wararka Soomaalida
Xildhibaan lagu eedeeyay kufsi oo xabsi daa’in lagu xukumay
Xildhibaan hore oo reer Hindiya ah laguna Magacaabo Kuldeep Sengar haddana ka tirsan Xisbiga talada haya dalka Hindiya ee BJP ayaa Maanta waxaa lagu xukumay xabsi daa’in ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu kufsaday gabar yar oo qaan gaar ahayn una dhalatay dalka Hindiya.
Gabadha hooyadeed ayaa xildhibaanka ku eedeysay in isaga iyo rag kale ay ka dambeeyeen falka kufsiga ah ee gabadheeda lagula kacay ka dib markii gabadha yar Xildhibaanka shaqo udoonatay bishii July ee sannadkan balse eedeyntaasi waxaa iska fogeeyay Xildhibaanka hore ee eedan loo haysto iyadoo qoyska gabadha dhibanaha ah Xildhibaanka walaalkiis ku eedeeyay inuu weeraray gabadha aabaheed waxaana wali dhacdadaan baaraya booliska federaalka Hindiya.
Maxkamad ku taala dalka Hindiya oo maanta ufariisatay dhageysiga dacwada eeda ah ee loo haysto Xildhibaan hore Kuldeep Sengar ayaa ku xukuntay Kuldeep Sengar xabsi daa’in.
Maxkamadda ayaa sidoo kale Kuldeep Sengar oo 51 sano jir ah ku amartay inuu bixiyo lacag mag dhaw ah oo gaareysa 35 kun oo Dollar.
Kufsigaas Xildhibaanka hore ee udhashay dalka Hindiya uu ku mutaystay xabsiga madaxaa ha ku furto ah ayaa noqday kii ugu foosha xumaa ee ka dhaca dalka Hindiya sannadihii la soo dhaafay sida lagu sheegay wararkii dhacdadaasi laga qoray.
Kiiskan ayaa ku soo beegmay iyadoo sannadkii la soo dhaafay dalka Hindiya gabar yar oo la kufsaday ay isku dayday iney is disho dhibaatadii lagula kacay awgeed waxaana gabadhaasi yar ka mid ahayd dad musaafur ah ka dibna wadada loo galay.
Gabadhaas oo aan la ogoleyn in magaceeda la sheego ayaa waxaa soo gaaray dhaawac xun dib markii la isku dayay in shil gaari lagu dilo bishii July ee sannadkan balse way badbaadday falkii dilka ahaa ee lala damacsanaa.
Waxaa sidoo kale shilkaasi ku dhintay labo hablood oo gabadha shilka ka badbaaday eeddo u ahaa iyagoo ka mid ahaa dadkii safarka ku weheliyay sidoo kale waxaa shilkaasi dhaawac halis ah ka soo gaaray Qareenka gabadha la kufsaday.