Wararka Soomaalida

Xisbiyada Mucaaradka ah oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya iyo Kenya (Akhriso)

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir iyo Hogaamiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD ee mucaaradka ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay ku taageerayaan War-saxaafadeedkii xalay ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ee jawaabta u ahaa go,aankii dowladda Kenya. Labadaan Xisbi ee […]

Published

on

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir iyo Hogaamiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD ee mucaaradka ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay ku taageerayaan War-saxaafadeedkii xalay ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ee jawaabta u ahaa go,aankii dowladda Kenya.

Labadaan Xisbi ee sida weyn udhaliila dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedyada ay soo saareen ku sheegay in dowladda Kenya ay ku xad gudubta Qaranimada Soomaaliya sidoo kale bogaadiyey qaabka Madaxda Dowladda federaalka u wajahday jawaabtii Kenya la siiyey.

Xisbiyadan Madaxdooda ayaa ugu baaqay shacabka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya in arrinta Kenya awgeed lagu garab istaago dowladda Soomaaliya lana difaaco Qaranimada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version