Wararka Soomaalida

Xukuumadda Soomaaliya oo daaha ka rogtay arrimo waxtar u leh shacabka+sawiro

Shirka tubta nabadda iyo horumarinta bulshada oo maanta lagu qabtay Wasaaradda dhalinharada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya isla,markaana uu shir gudoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa maanta diiradda lagu saarayey arrimaha sharciyada gaadiidka ee wadooyinka qaabka wadiyaasha ay udhowraan sharciga, waxbarashada iyo Caafimaadka. Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro ka […]

Published

on

Shirka tubta nabadda iyo horumarinta bulshada oo maanta lagu qabtay Wasaaradda dhalinharada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya isla,markaana uu shir gudoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa maanta diiradda lagu saarayey arrimaha sharciyada gaadiidka ee wadooyinka qaabka wadiyaasha ay udhowraan sharciga, waxbarashada iyo Caafimaadka.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,Wasiirka dhalinharada iyo ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo maanta shirkan lagu qabtay Wasaaradda ay Wasiirka ka tahay ayaa sheegtay dhaqan gelinta arrimahaas in loogu fadhiyo Golaha wasiirada ka dibna bulshada lagu adkeeyo sharciga si ay u bartaan ku dhaqanka sharciga iyo uhogaansinka awaamiirta dowladda.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ahaa shir gudoonka shirka ayaa sheegay in dawladda ay ka go’antahy in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay siiso adeegyo caafimaad iyo waxbarasho oo tayo leh si loo horumariyo nolosha iyo wax soo saarka bulshada Soomaaliyeed.

Sharciga Dawooyinka oo maanta lagu soo bandhigay shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada waxay hordhigtay qodibkaas Golaha wasiirrada si ay u ansixiyaan si loo horgeeyo Golaha sharci dejinta ee Baarlamanka Soomaaliya.

Halbeegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah sidii laga xusay shirka dib-u-eegista sharciga shaqaalaha rayidka ah iyo horumarinta siyaasadda iyo barnaamijka ammaanka bulshada, halka wasaaradda caafimaadka laga doonayo in dhaqan geliso xeerka qaran ee xirfadda caafimaadka, aasaasidda iyo ka shaqaysiinta guddiga qaran ee la socodka dawada, dhismaha kaydka qaran ee dawada iyo aasaasidda machadlka qaran ee caafimaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version