Wararka Soomaalida
Xukuumadda Soomaaliya oo lunsatay 33 Milyan oo doolar
Ka dib markii shalay golaha baarlamanka ay ansixiyeen miisaaniyadii sanadkii 2017-dii oo ku baaqatay Xukuumadda ayaa hadda waxaa la ansixiyay miisaaniyadaas xisaab xirka ah.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xukuumadda si sharci daro ah u isticmaasha lacag ka kala timid wadamada Sacudiga,Imaaraadka iyo Turkiga waxaana lagu ogaaday arimahan xisaab xirkii shalay ee miisaaniyada 2017dii.
Haddaba lacagaasi ayaa waxay kala yihiin 33 Milyan iyo 700 oo kun oo doolar in Xukuumadda si sharciga baalmaran u isticmaashay.
Lacagtaas ayaa waxay ka kala timid wadamada Sacuudiga 30 milyan, Turkiga 2 milyan iyo Imaaraadka 1.7 milyan. Lacagtaas kuma jirin miisaaniyadii 2017 barlamaanku ansixiyay. Xukuumadu sooma sheegin in lacagtaas soo gashay. Markii lagu arkay xisaab xirkii ay soo gudbiyeen 2017 waa sheegi waayeen sababta iyo sida loo isticmaalay.
Xigasho Xilibaan Mahad Salad