Community

35 Baabuur oo laga xaday Soomaalida Saint Paul deggan

Ma aha wax cusub ama aan la ogayn in darawaladu ay ka tagaan gawaaridooda inta ay kiciyaan si ay u kululeeyaan. Arrintan ayaa dhacda marka ay darawaladu isku diyaarinayaan inay shaqada, dugsiga ama dane kale oo ay lee yihiin, qabowga daraadiisna baabuurka inta ay shidaan ka taga. Haddaba 40 baabuur ka badan ayaa lagu xaday/dhacay […]

Published

on

Ma aha wax cusub ama aan la ogayn in darawaladu ay ka tagaan gawaaridooda inta ay kiciyaan si ay u kululeeyaan. Arrintan ayaa dhacda marka ay darawaladu isku diyaarinayaan inay shaqada, dugsiga ama dane kale oo ay lee yihiin, qabowga daraadiisna baabuurka inta ay shidaan ka taga.

Haddaba 40 baabuur ka badan ayaa lagu xaday/dhacay magaalada Saint Paul dhamaadkii weegii la soo dhafay ee qabowga baddani iyou barafku ay jireen. Baabuurtaas dhamaantood way shidnayeen markii la xaday/dhacay.

Baabuurta la xaday ayaa 35 ka mid ah waxaa lahaa dad Soomaali ah. Nasiib darro marka uu qofka mulkiilaha ahi gaariga uu ka tago ama gaarigii oo shidan/kacsan uu furaha gudaha uga tago, arrintaas ayaa fursad ay ku xadaan baabuurka u noqonaysa tuugada.

Fadlan ha ka taginaa baabuurta oo shidan(open ignition), kaliya waxay qadataa taqiiqad wax ka yar in baabuurka la xado ama la dhaco.

Natiijada daraasaad sannadkan 2019-ka ay sameysay shirkadda Branded Research ayaa waxaa kagy ogaaday in ku dhowaad afar ka mid ah 10-kii darawalada Maraykanku ay had iyo jeer ama marmar kululeeyeen baabuurtooda xilliga qaboobaha iyaga oo ka taga baabuurka oo shidan/kacsan oo uuna qofna la joogin. Cilmi-baaristan ama daraasaadkan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in mid ka mid ah 10kii darawal ee kataga baabuurka oo shidan/kacsan uu la kulmo xatooyo baabuur oo baabuurka laga xado.

Maxay tahay khatar ta ka timaada baabuurka la xado/dhaco

  1. In fal dambi dheeraad ah lagu sameeyo/guto sida budhcadnimo ah dhac, boob, tuugo, kufsi ama dil baabuurkii lagaa xaday.
  2. Baabuuraka oo gala ama lagu galo dambi ah carar khatar galiya bulshada (high speed chase).
  3. In lagu Afduubo qof, (kidnapping) oo ku yimaada xita qofka babuurka iska leh.
  4. Adiga oo qabowga iyo barafka jira daraadeed dhibaato caafimaad ama naftaada ama qoyskaaga halis ku ah kugu timaado.
  5. Ciidamada Amniga iyo Nabad Suggida iyo weliba adiga oo ay wakhti badan ku qaadato helitaanka baabuurkii la xaday.

Flavio Becerra iyo Fahim Mursal oo kamid ah ciidanka booliiska magaalada St. Paul ayaa la hadlaya ugana digaya Kaying Xiong sidii uu uga hortagi lahaa ama uga taxadari laha xaditaanka baabuurkiisa.

Sideed uga hortagi kartaa xaditaanka baabuurkaaga

Haddaba waxaa lagugula talinayaa in aadan marnaba uga tagin furayaasha gawaariga oo shidan/kacsan oo uuna qofna la joogin, xitaa haddii ay tahay daqiiqad kaliya.

Haddii ay dhacdo in gaarigaaga lagaa xado dhakhso ula xiriir ciidanka booliiska iyo shirkadda caymiska uu gaarigu ku jiro.

Sidoo kale waa fikrad xun inaad uga  tagto gaarigaaga warqadaha aqoonsiga iyo lahaanshaha gaariga, arrintan ayaa u sahlaysa tuuggada in ay ku bartilmaameystaan ama xatooyo ay ku sameeyaan sharciyadaada iyo aqoonsiga adiga gaarka kuu ah.

Warqadaha aqoonsiga iyo lahaanshaha baabuurka oo gudaha gaariga looga tago ayaa tuuggada ka caawinaysa in ay si sahlan u tuuraan gaarigaaga.

Xasuusnoow oo ka digtoonoow in aadan mar walba sahlanin oo aadan ka tagin baabuurkaaga oo kacsan, furuhuna ku taagan yahay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version