Wararka Soomaalida
70 jir duruufaysan oo diriqi kula kulamay Godoomiyaha G/Banaadir
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ka soo baxay xafiiskiisa shaqada una deg degsanaa kulan Madaxtooyada ka dhacayay ayaa waxaa Albaabka hore ee xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ku sugaayay nin da,ah oo da,aadiisa lagu qiyaasay 75 sano jir iyadoo Gudoomiyaha iyo Odaygan wax balan ah oo ay isku ogaayeen jirin. Gudoomiyaha […]
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ka soo baxay xafiiskiisa shaqada una deg degsanaa kulan Madaxtooyada ka dhacayay ayaa waxaa Albaabka hore ee xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ku sugaayay nin da,ah oo da,aadiisa lagu qiyaasay 75 sano jir iyadoo Gudoomiyaha iyo Odaygan wax balan ah oo ay isku ogaayeen jirin.
Gudoomiyaha oo hareerihiisa socdeen kooxda barata koolka uqaabilsan iyo ku xigeenadiisa ayaa waxaa meel sare ugu dhawaaqay Odayan waayeelka ah oo duruuf haysta awged usoo aaday xarunta Gobolka Banaadir.
Gudoomiye Yariisow oo markii Odayga u dhawaaqayay lugta geliyay gaarigiisa ayaa soo milicsaday jihada looga dhawaaqay ugu horaynba waxay indhihisa qabteen Waayeelkan duruufta ka muuqata wuxuu ka soo laabtay gaarigii uu raaci lahaa wuxuuna soo aaday dhanka waayeelka uu taagnaa.
Gudoomiyaha ayaa salaan iyo soo dhaweyn wanaagsan usameeyay Odaygaas weeyeelka ah is xog wareysi dheer ka dib Odaygii ayaa Gudoomiyaha usheegay inay haysato duruuf xagga nolosha ah.
Odaygan 75 jirka ah ayaa magaciisa ku soo koobay Shariif wuxuu la daalaa dhacayaa da’ iyo shaqo la’aan oo ay usii dheer tahay caafimaad daro maanta xaaladaas duruufeed oo jirta awgeed u yimid aqalka Dowladda Hoose.
Gudoomiye Yariisow oo kasoo dagay Gaariga ayaa kadib waxaa uu si naxariis leh u xog wareystay xaalada Shariif wuxuu usheegay Shariif Gudoomiyaha in muddo 30 sano uusan wax shaqo ah arkin haddana ay duruufo badan heystaan.
Guddoomiyaha ayaa intaas kaddib mid ka mid Agaasimeyaasha Gobolka u xilsaaray xaaladda Shariif inay wax ka qabtaan oo ay wax utaraan sidoo kalana wuxuu amaray in xarun caafimaad si deg deg loo geeyo wax allaale wixii qarash ah ee ku baxa Oday Shariif asaga lagu soo dalaco.